Guddoomiyihii hore ee Mudug oo dib xoriyaddiisa loogu soo celiyey

Image

November 29, 2014 (GO)- Waxaa maanta dib xoriyaddiisa loogu soo celiyey guddoomiyihii hore ee gobolka Mudug  Cabdirashiid Cali Xaashi (Dhuubane) oo saddex maalmood kahor booliska degmada Garoowe xabsiga u taxaabeen.

Sii deynta Siyaasi Dhuubane waxaa Garowe Online u xaqiijiyey Taliyaha Qaybta Booliska Nugaal Axmed Cabulaahi Samatar (Layli) isagoo sheegay in mas'uulkaas xoriyaddiisa loosoo celiyey kadib markii ay damiinteen odayaal iyo waxgarad beeshiisa kasoo jeeda.

Dhuubane ayaa November 25, 2014 qabtay shir-saxaafadeed uu kaga hadlay xaalada guud ee Puntland isagoo dhinaca kale dhaliilay siyaasadda Madaxweyne Cabdiweli Gaas kuna eedeeyey inuu baal maray balan qaadyadii uu sameeyey xilligii uu murashaxa ahaa.

Guddoomiyaha gobolka Nugaal Cabdiqani Xaashi Cali oo mar sii horeysey waraysi gaar ah siiyey Radio Garowe ayaa sababta mas'uulkaas loo xiray ku micneeyey kadib markii uu shaaciyey hadallo xiisad siyaasadeed iyo ammaan darro abuuri kara, halisna ku ah jiritaanka Puntland waa sida uu hadalka u dhigaye. 

Halkan ka dhegeyso shirkii jaraa'id ee sababtiisa Siyaasi Dhuubane loo xiray

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM

Puntland oo Qabanaysa Shir Ku saabsan Dhismaha Dawladnimada Soomaaliya

Madaxweyne Deni ayaa intaa ku daray, “Siyaasiyiintu mararka qaar waxay leeyihiin danahooda gaarka ah.

  • Puntland

    11-12-2025

  • 09:39AM