Hub ka yimid Yemen oo si sharci darro ah kusoo galey Puntland

Image

April 6, 2015 (GO)- Warar hoose oo Garowe Online heshay ayaa sheegaya in dhowrkii asbuuc ee ugu dambeeyey hub tira badan oo ka yimid dhanka dalka Yemen si sharci darro ah kusoo galey deegaannada Puntland gaar ahaan gobolka Bari.

Hubkan oo intiisa badan ganacsi ahaan loo keensadey wuxuu isugu jiraa qoryaha fudud , lidka diyaaradaha, bistoolado iyo ugu yaraan hal tan oo rasaas ah.

Bishii hore ee March, markaasoo mileeshiyaadka Xuuthigu la wareegeen inta badan gobollada dalka Yemen iyo xarumihii dowladda, waxaa la bililiqeystay keydadkii hubka ciidamada Yemen ee magaalooyinka Sanca, Cadan, Mukallah iyo Ticiz. 

Bililiqada dhacdey waxaa ka faa'iideystey kuwa ka ganacsada hubka maadaama ay heleen hub tira badan oo qiimihiisu jaban yahay fursadna u heleen inay hubkaas soo dhoofiyaan iyagoo ka faa'iideysanaya fawdada dalkaas ka jirta.

Khabiir aqoon u leh arrimaha militeriga ayaa Garowe Online u sheegay in hubkaasi saameyn weyn ku yeelan doono ammaanka Puntland, maadaama ay suurogal tahay inuu gacanta u galo kooxaha argagixisada iyo burcad-badeedka oo sanadkan mar kale dib usoo laba kacleeyey.


Puntland oo walaac ka muujisey xaaladda dalka Yemen

Dowladda Puntland ayaa walaac ka muujisey dagaallada ka socda dalka Yemen iyo qaxootiga dalkaas kasoo cararaya ee imaanaya Puntland, maadama ay kusoo dhex dhuuman karaan dambiileyaal iyo xubno ka tirsan dagaalyahannada Al-qaacida ee fadhigoodu yahay Jaziiradda Carabta.

Af-hayeenka  madaxtooyada Puntland  Cabdullaahi Quraan-jecel ayaa sheegay in Puntland si gaar ah isha ugu hayso xaaladda Yemen iyo dadka kasoo laabanaya, islamarkaana hay'adaha ammaanka Puntland feejignaan dheeri ah qabaan.

Habeennimadii xalay waxaa idaacadda VOA la hadlay labo kamid ah maxaabiis Soomaali ah oo burcadbadeednimada lagu xukumey kuwaasoo kasoo baxsadey xabsiga Mukallah balse hadda ku sugan magaalada Bosaso.

Dalka Yemen oo ay ku nool yihiin 25milyan oo qof kana mid ah dalalka ugu saboolsan Jaziirada Carabta, wuxuu ku jirey xaalad degenaansho la'aan ah  laga soo bilaabo sanadkii 2012 markaasoo kacdoon dadweyne xukunka looga tuuray madaxweynihii hore Cali Cabdallah Saalax.

Inta badan gobollada Yemen waxaa xilligan ka arrimiya kooxda Xuuthiga oo iyadu ah koox Shiico ah taasoo la rumeysan yahay inay taageero dhaqaale iyo mid militeriba ka hesho dalka Iran, halka qaybo kale oo dalkaas ka tirsanna ay ku sugan yihiin mileeshiyaad xiriir dhow la leh Al-qaacida.

Xaaladda ammaanka ee Yemen ayaa kasii dartey markii diyaaradaha is-bahaysiga Carabtu gudaha dalkaas duqeynta ka bilaabeen, xilligaas wixii ka dambeeyey cabsi xooggan ayaa soo food saartey ajaanibta gaar ahaan Soomaalida.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM

Puntland oo qaadacdey shirka uu iclaamiyay Xasan Sheekh

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa 21-ka ilaa 22-ka bishan April u mudeeyay in uu qabsoomo shir madaxeedkan.

  • Puntland

    17-04-2024

  • 06:28AM