Isimada Puntland oo Bayaan culus kasoo saarey Doorashada [Daawo]

Image
Image

GAROWE, Puntland - Isimada Puntland oo kulan guud isugu yimid maanta oo Isniin ah, ayaa soo saarey bayaan ka koobnaa 4 qodob oo ku saabsan doorashada madaxtinimada ee lagu wado inay qabsoonto 8-da bishan soo socota ee January, 2019.

Sida ku xusan bayaanka, Isimada ayaa ugu baaqey dhinacyada ay taabaneyso inay ka shaqeeyaan sidii ay u noqon lahayd doorashada lagu go'aaminayo mustaqbalka Puntland mid daah-furan oo xor iyo xalaal ah.

Musharixiinta ayay ku booriyeen inay ku kalsoonaadaan Guddiga Xalinta Khilaafaadka iyo Anisixinta Gollaha Wakiiladda cusub ee Puntland, islamarkaana ay meel iska dhigaan khilaafka.

Waxay Isimidu ka codsadeen Taliyayaasha Amniga in aanu musharax gaar ah la safan, islamarkaana aysan xakameynin dhaqdhaqaaqiisa iyo ololihiisa siyaasadeed ee doorashadda.

Odayaasha waxay rajo aad u wayn ka qabaan in coddeynta ay noqoto mid ka fog wax isdamarin baahsan, sidda ku cad warka qoraalka ah.

Ugu dambeyntii, Isimadu waxay ka dalbadeen shacabka inay doorkooda ka ciyaaraan sidii doorashadu ugu dhici lahayd jawi xasiloon, oo lamid ah sidii doorashooyinkii lasoo dhaafay ee maamulkaan 20-sano jirka ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM