​Jaahwareer ka taagan Taliska Booliiska Puntland

Image

GAROWE, Puntland- Warqad kasoo baxday 04 September, 2017 Taliye ku-xigeenka 1aad ee Boliiska Puntland, Bilse Faarax Cali ayaa xilkii looga qaaday taliyaha qaybta Booliiska gobolka Nugal G/sare Cabdirashiid Maxamuud Ow Xuseen (Xinjira Dhuuq), waxaana lagu badalay sarkaal kale oo lagu magacaabo G/ sare Faarax Warsame Cabdiraxmaan.

Tallaabadaas waxaa ka horyimid Cabdirashiid Xinjira Dhuuq, kadib waraysi gaar ah oo uu siiyay Radio Garowe isagoo tilmaamay in taliye ku-xigeenku uusan awood u lahayn inuu xilka ka qaado ama magacaabo sarkaal kale isagoo sabab uga dhigay inay yihiin isku Darajo.

“Gaashaanle Gaashaanle xil kama qaadi karo, taliye ku-xigeenku awood u malaha inuu xilka iga qaado xil kalena magacaabo,” Ayuu yiri Taliyuhu.

Dhinaca kale Warsidaha Garowe Online oo xiriir la sameeyay Taliye ku-xigeenka 1aad ee ciidanka Booliiska Puntland, ayaa xaqiijiyay in warqadaas kasoo baxday xafiiskiisa, balse wuxuu ka gaabsaday inuu ka hadlo diidmada Cabdirashiid Xinjira Dhuuq isagoo waqtigaas noo sheegay inuu shirar ku jiro.

Tallaabadan ayaa timid xilli jaah wareer uu ka dhex taaganyahay taliska ciidamada Booliiska Puntland, taasoo keentay in dhawaan shaqada laga fariisiyo taliyihii ciidanka Booliiska Cabdulqaadir Faarax Shire Ereg, kadib warqad kasoo baxday xafiiska Madaxweyne ku-xigeenka Puntland.

Ereg ayaa xilkiisa ku waayay sida uu goor sii horeysay warbaahinta u sheegay inuu ka dhago adaygay dalab uga yimid Madaxweyne ku-xigeenka Puntland oo ahaa inuu shaqada ka fariisiyo Cabdirashiid Xinjira Dhuuq oo loo haystay inuu sii daayay maxaabiis.

Dhinaca kale taliyaha saldhiga dhexe ee magaalada Garowe Fardafuul ayaa dhawaan eedayn dusha uga tuuray taliyaha la dagaallanka Argagixisada iyo mukhaadaraadka Puntland xilli uu warbaahinta kula hadlayay magaalada Garowe, taaso iyaduna ku saabsanayd arrinta maxaabiistii xabsiga laga sii daayay balse waqtigaas lagu soo celiyay jeelka.

Arrintan ayaa u muuqatay in saraakiisha ammaanka ay ku jaah wareersanyihiin shaqooyinkooda iyo sida sharcigu ugu kala xadaynayo howlaha loo igmaday, xilli ay bar-bar socoto in Madaxweynaha Puntland uu soo kordhiyay jagooyin cusub oo aan horay uga jirin taliska ciidanka Booliiska Puntland.

Sidoo kale saraakiisha Booliiska ayaa midba mid kale u arkaa inuu xafiiska ku joogo digreeto Madaxweyne ama mid taliye Booliis, taasoo keentay inay sameeyaan amar diidooyin waqtiyada shaqada laga fariisiyo ama xilka laga qaado.

Sannadkii hore ayay ahayd markii taliye Booliis ay isku faro saareen magaalada Bosaso taasoo keentay inuu dhaawacmo Wasiirkii hore amniga Puntland, Cabdi Xirsi Cali Qarjab. Falkaas waxaa jagooyinkoodii ku waayay Taliyihii booliiska Puntland ee waqtigaas Cabdirasaaq Afgaduud iyo taliyihii ciidanka Birmad ee Kornel Afdalow oo ahaa saraakiisha gacan ka hadalku dhexmaray.

Madaxweyne Gaas ayaa horay wacad ugu maray inuu tayayn doono ciidamada Booliiska.

GAROWEONLINE

Related Articles

Booliska Puntland oo lagala hadlay ka hortaaga xaalufinta deegaanka

Isku xirnaanta Wasaaradda Degaanka iyo Isbedelka Cimilada iyo Hogaanka Booliska ayaa sidoo kale looga hadlay shirkan.

  • Puntland

    27-03-2024

  • 04:28AM

Qardho: Mashruuc horseeday jarista dhir baaxad leh oo laga digay

Wasaaradda deegaanka iyo Isbedelka Cimiladda ee Puntland ayaa ku baaqdey in degdeg loo joojiyo jarista dhirtan.

  • Puntland

    26-03-2024

  • 01:41PM