Khayre iyo madaxweyneyaal maamulo oo kusii jeeda magaalada Garowe

Image

GAROWE, Puntland - Magaalada Garowe ayaa waxaa ku soo wajahan madaxda Jubaland iyo Galmudug, kuwaas oo ka qayb gali doona aaska loo sameynayo Madaxweynihii Hore ee Puntland, Maxamad Cabdi Xaashi.

Axmed Maxamed Islaam iyo Axmed Cabdi Kaariye ayaa kasoo dhaafi doono Dhuusamareeb, xarunta Galmudug, halkaas oo maamulada uu shir uga socday maalmihii lasoo dhaafay.

Kadib aaska marxuumka waxaa lagu wadaa in ay dib ugu soo laabtaan isla Dhuusamareeb oo qorshuhu yahay in uu ka furmo shir kale oo u dhaxeeya dowladda federaalka ah iyo maamulada.

Kulankaas ayaa kasoo baxay shirkii maamulada, waxaana lagu wadaa madaxweyne Farmaajo oo ka jawaabaya casuumaadaas uu dhowaan u socdaalo xarunta gobolka Galgaduud.

Dhinaca kale, waxaa maalinta Khamiista Garowe tegaya, sida warsidaha Garowe Online ogaadey, Ra'iisul wasaaraha dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, Xasan Cali Khayre.

Khayre ayaa kaga qayb gali doona Garowe aaska Qaran ee loogu sameyn doono ra'iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya, Xasan Abshir Farax, oo asbuucaan ku geeriyooday dalka Turkiga.

Khayre ayaa sida warar lagu kalsoon yahay sheegayaan isla maalintaas dib ugu noqonaya Dhuusamareeb iyadoo la filayo in kulan uga furmo markii labaad madaxda maamulada iyo Federaalka si ay uga heshiiyaan doorashada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shirweynaha 5-aad ee Golaha Guud ee Ururka Warbaahinta Puntland oo ka furmay Garowe

Madaxwayne ku xigeenka Puntland Ilyaas Cusmaan Lugotoor ayaa daahfuray Shirweynaha oo ay ka qeybgalayaan dhinacyo kala duwan.

  • Puntland

    21-04-2024

  • 11:46AM

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM