Khayre iyo madaxweyneyaal maamulo oo kusii jeeda magaalada Garowe

Image

GAROWE, Puntland - Magaalada Garowe ayaa waxaa ku soo wajahan madaxda Jubaland iyo Galmudug, kuwaas oo ka qayb gali doona aaska loo sameynayo Madaxweynihii Hore ee Puntland, Maxamad Cabdi Xaashi.

Axmed Maxamed Islaam iyo Axmed Cabdi Kaariye ayaa kasoo dhaafi doono Dhuusamareeb, xarunta Galmudug, halkaas oo maamulada uu shir uga socday maalmihii lasoo dhaafay.

Kadib aaska marxuumka waxaa lagu wadaa in ay dib ugu soo laabtaan isla Dhuusamareeb oo qorshuhu yahay in uu ka furmo shir kale oo u dhaxeeya dowladda federaalka ah iyo maamulada.

Kulankaas ayaa kasoo baxay shirkii maamulada, waxaana lagu wadaa madaxweyne Farmaajo oo ka jawaabaya casuumaadaas uu dhowaan u socdaalo xarunta gobolka Galgaduud.

Dhinaca kale, waxaa maalinta Khamiista Garowe tegaya, sida warsidaha Garowe Online ogaadey, Ra'iisul wasaaraha dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, Xasan Cali Khayre.

Khayre ayaa kaga qayb gali doona Garowe aaska Qaran ee loogu sameyn doono ra'iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya, Xasan Abshir Farax, oo asbuucaan ku geeriyooday dalka Turkiga.

Khayre ayaa sida warar lagu kalsoon yahay sheegayaan isla maalintaas dib ugu noqonaya Dhuusamareeb iyadoo la filayo in kulan uga furmo markii labaad madaxda maamulada iyo Federaalka si ay uga heshiiyaan doorashada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Geerida Xaawo Aadan Cameey: Haldoor taariikh ku reebtay waxbarashada gabdhaha Soomaaliya

Marxuumad Xaawo waxay ahayd aasaasihii iyo agaasimihii Xarunta Waxbarashada Gaalkacyo…

  • Puntland

    14-09-2026

  • 10:12AM

Burcad-badeeda oo sii daayay markab iyo 17 shaqaale ah kadib bixinta madax-furasho

Waxaa ka mid ahaa laba dooni oo kalluumeysi oo laga leeyahay Iran iyo markabka MV Lutuf, oo ka babanayay calanka Cameroon.

  • Puntland

    13-09-2026

  • 06:52AM