Faarax Shire: dowladii hore ee PL kama tegin 14 milyan oo deyn ah

Image

January 8, 2015 (GO)- Kadib markii dhowaan Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Cabdixakiim Cabdulaahi Cumar (Camey) oo waraysi siiyey telefishinka Somali Channel sheegay in dhaqaale xumida jirta ee ragaadisey shaqada xukuumadda Gaas sabab u tahay deyn 14 milyan oo doolar ah oo dowladii hore ka tagtay ayaa waxaa eedeyntaas gaashaanka u daruuray waxba kama jiraanna ku tilmaamay wasiirkii hore ee maaliyadda Puntland Faarax Cali Shire oo u waramay isla Somali Channel iyo Garowe Online.DHEGEYSO


Imisa ahayd deyntii ay wareejisey dowladii hore?

Shire oo ka jawaabayey su'aashaas wuxuu sheegay in wadarta guud ee lacagaha daynta ah ee dowladii hore ka tagtay ahayd $1, 121, 928 (hal milyan boqol iyo labaatan iyo kow kun; sagaal boqol labaatan iyo siddeed) lacagtaas oo intooda badan shirkado ganacsi lahaayeen.

Wasiirku wuxuu intaas raaciyey in lacagta deynta ah ee la wareejiyey tahay mid aan sinaba loo ankiri karin, maadaama ay ku caddahay dukumiintiyadii dowlada hadda ka arimisa Puntland iyo dowladii hore xilalka kula kala wareegeen.

Mar la weydiiyey su'aal kale oo ahayd "hadaba hadii deynta intaas le'eg idinku ka tegin xagee timi?" Wuxuu sheegay in wasaaradaha xukuumada Gaas lacago soo qorteen kadib markii lagu wargeliyey in beesha caalamku dhaaqaale siineyso Puntland, suuragalna tahay in 14ka milyan halkaas kasoo baxday.


Eedeymaha la xiriira musuq-maasuqa dhaqaalaha:

Wasiirkii hore ee maaliyada Puntland oo wax laga weydiiyey waxa ka jira  eedeymaha xukuumada Gaas usoo jeedisey dowladii hore ee ah in dhaqaale badan la musuq maasuqay, wuxuu sheegay in arrintaasi tahay been abuur islamarkaana ujeedooyin siyaasadeed ka dambeeyaan.

Faarax Cali Shire oo hadalkiisa sii wataa wuxuu intaas ku daray in haddii dowladii hore dhaqaale lunsatay aanay ka tegi lahayn waxqabadka baaxadda leh ee ay sameysey, taasina cadayn u tahay in hantida dowlada sidii loogu tala galay loo maareeyey.-


Hamigiisa siyaasadeed:

Ugu dambeyntii waxaa wax laga weydiiyey shaqada uu xilligan qabto, hammigiisa siyaasadeed ee mustaqbalka dhow iyo weliba xiriirka ka dhexeeya isaga iyo siyaasiyiintii kale ee ay kuwada jireen xukuumadii hore. Shire wuxuu sheegay in hadda uu Garowe ku nool yahay islamarkaana maamulo machad dhowaanta uu asaasay oo lagu magacaabo Machadka Soomaaliyeed ee Cilmibaarista iyo Waxbarashada.

Dhanka siyaasada mar uu ka hadlayey wuxuu sheegay in siyaasadda haddii lasoo galo aan laga bixin sidaas darteed fursad kasta oo soo baxda una muuqata mid ku haboon rabitaankiisa uusan dayici doonin.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM

Puntland oo qaadacdey shirka uu iclaamiyay Xasan Sheekh

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa 21-ka ilaa 22-ka bishan April u mudeeyay in uu qabsoomo shir madaxeedkan.

  • Puntland

    17-04-2024

  • 06:28AM