Korneel katirsanaa ciidamada Puntland oo Qarax lagu dilay

Image

BOOSAASO, Puntland - Korneel katirsanaa ciidamada Puntland ayaa ku dhintay qarax ka dhacay meel ku dhaw magaalada Boosaaso, ee xarunta gobolka Bari.

Sarkaalkan oo lagu magacaabi jiray Korneel Cismaan Abshir Cumar waxa uu ahaa khabiir dhanka qaraxyada ciidamada u qaabilsan furfurista walxaha qarxa iyo miinooyinka.

Cabdirisaaq Maxamed, oo ah sarkaal kale oo ciidamada Puntland katirsana, ayaa u sheegay warbaahinta in Korneel Cismaan uu ku dhintay miino ku qaraxday isagoo isku dayayay inuu ka saaro wado ay ku safrayeen oo isku xirta Boosaaso iyo Galgala.

"Waxaa la soconay Korneel Cismaan, annagoo ku safrayna inta u dhaxay Boosaaso iyo Galgala ayaan la kulanay miino jidka lagu aasay, gaariga ayuu kasoo dagay Korneelka, wuxuu isku dayaya inuu miinada ka bixiyo goobta, balse way ku qaraxday kadibna isla meesha ayuu ku dhintay," ayuu yiri Cabdirisaaq.

Al Shabaab ayaa sheegatay mas'uuliyadda qaraxa.

"Waxaan bartilmaameedsanay Korneelka, waxaana ku dilnay qarax aan wadada u gelinay," ayuu yiri Cabdicasiis Abu Muscab, oo ah Afhayeenka dhanka howlgallada Al Shabaab.

Dowladda Puntland kama aysan hadlin wali Weerarkan uu ku dhintay Korneel Cismaan, kaasi oo qeyb ka ah qaraxyo iyo falal amni darro oo ka dhacayay deegaanada Puntland mudooyinkii dambe, kuwaasi oo ay fulinayaan Al shabaab iyo Daacish.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Deni oo Xasan Sheekh ugu baaqey inuu Dhowro Ballanqaadkiisa hore

Baaqan wadahadal wuxuu yimid xilli ay sii kordhayaan xiisadaha siyaasadeed ee ka dhashay isbahaysiga Puntland, Jubbaland.

  • Puntland

    27-04-2025

  • 09:05AM

Maxay tahay sababta Puntland uga qeybgalaynin Shirka Gollaha Wadatashiga Qaran?

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa kala kulmaya beesha Caalamka cadaadis ku aadan mideynta dalka iyo xalinta khilaafaadka.

  • Puntland

    26-04-2025

  • 11:54AM