Madaxda Puntland oo Khatar Ku Ah Amniga Garoomada Diyaaradaha

Image
Image

GAROWE- Garoomada diyaaradaha Puntland ayaa sida warsidaha GO ogaadey waxaa sumacadooda iyo amnigooda khatar ku haya madaxda dowlada kuwasoo marka ay ka dhoofayaan ama kasoo dagayaan gadiidka iyo ciidamada la socda gudaha u galaan xarumahaas.

Maamulka Puntland oo 19 sano laga joogo markii dhidibada loo taagey ayaa heerka amni, shaqo iyo maamul waxay garoomadeedu diyaardaha aad ugu hooseeyaan kuwa ka dhisan magaalooyinka Muqdisho iyo Hargeysa.

Inkastoo magaalooyinka Muqdisho iyo Hargeyso horey nasiib ugu heleen in si casri ah loo dayactiro garoomadooda diyaaradaha ayaa haddana waxay Puntland kaga horeeyaan nidaamka shaqo ee loo maamulo xarumahaas iyadoo madaxda dowlada, shaqaalaha garoonka iyo ciidamada suga amniga ilaaliyaan nidaamka shaqo ee loo dajiyey.

Shaqaalaha garoomada Puntland iyo ciidamada amaanka waxey si deg deg ah ugu baahan yihiin in kor loo qaado aqoontooda xirfadeed iyadoo dhinaca kale madaxda hay'adaha amniga iyo Wasaarada duulista lagula xisaabtamayo howlaha shaqo ee loo igmadey.

Garoonka diyaarada Garowe ee KMG ah 'CONOCCO' ayaa madaxda dowlada heer walba ha noqdeen darajadooda waxey gadiidkooda iyo ciidamada Ilaalada u ah ee la socda la galaan gudaha siliga xayndaanka u ah xaruntaas iyagoo mararka qaarkood hoos taga diyaaradaha.

"Madaxda dowlada ma dhowraan sharciga garoomada waxey ciidamadooda la galaan gudaha garoomada Garowe iyo Boosaaso, taasoo caqabad ku ah sumacada garoonkaas iney yimadaan diyaaradaha caalamiga." sidaas waxaa GO u sheegey sarkaal ka tirsan garoonka diyaaradaha Garowe.

Magaalada Boosaaso oo dhowaan yeelatey laamiga diyaardaha ku soo dagaan ayaa weli waxaa aysan fursad u helin iney ku soo dagaan diyaarado sita magaca shirkado caalami ah iyadoo wararka aan helyno sheegayaan in sababtu tahay iney weli wax ka dhiman yihiin adeegyadii looga baahnaa garoon diyaaaradeed ee caalami ah halka dhinaca kale sumcad xumo ku noqotey joogta ah saraakiisha dowlada oo gudaha la soo galaya gadiidkooda iyo ilaalada la socota marka ay kasoo dagayaan ama ka dhoofayaan halkaas.

Wasaarada Duulista Hawada iyo Amniga oo ku shaqo leh ilaalilnta nidaamka garoomada Puntland iyo tababarka loo fidinayo shaqaalaha ayaa ku guuldreysatey in si rasmiya wax uga qabtaan dhibaatada tabar la'aan ee haysata ciidamada iyo shaqaalaha.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Shirweynaha 5-aad ee Golaha Guud ee Ururka Warbaahinta Puntland oo ka furmay Garowe

Madaxwayne ku xigeenka Puntland Ilyaas Cusmaan Lugotoor ayaa daahfuray Shirweynaha oo ay ka qeybgalayaan dhinacyo kala duwan.

  • Puntland

    21-04-2024

  • 11:46AM

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM