Madaxii Shirkadda DP World ee Dekadda Boosaaso oo la dilay

Image

BOOSAASO, Puntland - Wararka laga helayo xarunta gobolka Bari ayaa sheegaya in nin hubeysan oo ku dilay saaka gudaha magaaladda Boosaaso, Sarkaal sare oo u shaqeynayay Shirkadda P&O ports, oo ay leedahay DP World.

Illo ku dhaw Booliska ayaa u xaqiijiyay Warsidaha Garowe Online in Paul Anthony Fermosa oo madax u ahaa Shirkadda qeybta Dekedda Boosaaso uu ku dhintay rasaas uu ku furay nin hubeysan.

Paul Anthony Fermosa, ayaa ku geeriyoodey isla goobta, iyadoo sidoo kale rasaastii lagu dilay ay ku dhaawacmeen saddex askari oo illaalo u ahayd, sida ay sheegeen Saraakiil laamaha amniga Boosaaso.

Ninka la dilay ayaa wararku sheegayaan in uu haystay dhalashada Talyaaniga iyo Malta.

Lama sheegin cid ka dambeysay talaabadaan balse magalaada Boosaaso iyo gobolka Bari ee Puntland ayaa waxaa aad ugu xoogan kooxaha Al shabaab iyo Daacish kuwaas oo maalmihii ugu dambeeyey ku dagaalmayey buuraha Barri.

Shirkada DP ayaa maamulka Puntland horey ula gashay heshiis 30 sano ah, oo ay ku maamulayso Dekadda magaalada Boosaaso.

Wixii kusoo kordhaa xaaladda Boosaaso, kala soco wararkeena damabe.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Shirweynaha 5-aad ee Golaha Guud ee Ururka Warbaahinta Puntland oo ka furmay Garowe

Madaxwayne ku xigeenka Puntland Ilyaas Cusmaan Lugotoor ayaa daahfuray Shirweynaha oo ay ka qeybgalayaan dhinacyo kala duwan.

  • Puntland

    21-04-2024

  • 11:46AM

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM