Madaxwaynaha DFS oo furay shirka arrimaha Somalia Garowe

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

GAROWE 30 April,2015 (GO)- Shirka arrimaha Somalia ayaa maanta oo Khamiis ah ka furmay xarunta wasaradda Caafimaadka ee magalada Garowe.

Madaxda DFS, Puntland, Jubbaland iyo Koonfur galbeed Soomaaliya ayaa khudbado ka jeediyay, kuwaasoo sheegay inay ku faraxsan yihiin in mar kale madaxda dalka ku shiraan Puntland.

Madaxwayne Xasan Shiikh Maxamuud oo khudbad dhinacyo badan taabanaysa kasoo jeediyay shirka ayaa marka hore ku ammaanay Puntland horumarka iyo dowrka ay ka qaadatay dhismaha dowladda dhexe ee dalka.

Waxyaabaha uu ka hadlay Xasan Shiikh waxaa ugu muhiimsan mamulkaa gobaladda dhexe  oo uu sheegay inuusan wax dhibaato ah u keeni doonan Puntland iyo mamulada kale ee dhismaya.

Barnaamijk New Deal oo caalamku sheegay inuu ugu yaboohayo dhaqaale dalka lagu dhiso ayuu Xasan Shiikh sheegay inaysan wax muuqda gacanta loosoo galin, isla markasna ay muhiim tahay in dib u eegis lagu sameeyo qaabka barnaamijkan loo wado maadama sida uu sheegayo madaxwaynaha ay adag tahay in dalka dib u dhiskiisa laga qayb qaato.

Madaxwaynaha Puntland Cabdiwali Cali Gaas, khudbadii uu jeediyay waxaa ka mid ahayd inay doonayaan in doorasho dalka ka dhacdao 2016- loona midoobo sidii mustaqbalka dalka looga shaqayn lahaa, wuxuna soo hadal qabsaday sida Puntland isagu tashatay in Soomaali weyn looga bahan samaynteeda.

Prof. Gaas ayaa sheegay inay tuhun marar badan ka muujiyeen Dastuurka qabyada ah, wuxa uu cadeeyay inuu ku dhagan yahay kii ay horay u saxiixeen madaxdii hore ee DFS,Puntland, Galmudug, Alhu-suna iyo Xafiiska siyaasadda QM Somalia.

Madaxda kale ee shirka ka hadlay waxaa ka mid ahaa madaxwaynaha Jubbaland Axmed Madoobe iyo kan Koonfur galbeed Shariif Xasan Shiikh Aadan waxayna ladaan masuul ammaaneen sida hufan ee Puntland ugu heelan tahay ka shaqaynta danta guud ee shacabka iyo dowladnimadda.

Guddiyo kala matalaya mamulada dalka iyo dowladda dhexe ayaa shirka intiisa kale sii yeelanaya, waxana shirka horyaala qodobo dhowr ah oo aan goobta laga xusin hase yeeshee dadka Puntland ayaa welwel ka muujiyay sida ay muhiimka u tahay in la cadeeyo mamulka gobalada dhexe inta uu ka kooban yahay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shirweynaha 5-aad ee Golaha Guud ee Ururka Warbaahinta Puntland oo ka furmay Garowe

Madaxwayne ku xigeenka Puntland Ilyaas Cusmaan Lugotoor ayaa daahfuray Shirweynaha oo ay ka qeybgalayaan dhinacyo kala duwan.

  • Puntland

    21-04-2024

  • 11:46AM

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM