Madaxwayne Gaas oo diidey inuu la kulmey RW dowlada Federaalka

Image

Garowe,Puntland 27 August [GAROWEONLINE]- Madaxwaynaha Puntland Cabdiwali Cali Gaas oo maanta dib ugu soo laabtay magalada Garowe ayaa warbaahinta u sheegay inuu guul kusoo dhamaaday safarkii ay ku aadeen isaga iyo wasiirka caafimaadka Dalka Itoobiya.

Gaas ayaa sheegay madaxda Itoobiya ka wada hadleen sii xoojinta xiriirka labada dhinac iyo kor u qaadista xiriirka dhow ee arrimaha ganacsiga, caafimaadka iyo adkaynta ammaanka.

''Dhaqaalaha labada dal way isku xiran yihiin dhanna annagu suuqaa wayne ee Itoobiya aan isticmaalo dhanna ay iyaganu awood u yeeshaanka dhoofinta xoolahoda dekadeena iyo waliba xiriiro kale oo dhanka Kalluumaysiga.''.

Madaxwayne Gaas ayaa wax laga waydiiyay magaalada Addis Ababa inay ku kulmeen Ra'iisul Wasaraha DF Cabdiwali Shiikh Axmed oo socdaal ku tagay Itoobiya wuxuuna sheegay inaysan si qarsoodi ah uga wada hadlin arrimaha la isku hayo balse Hotel wada daggeen Cabdiwali Shiikh.

''Ra'iisul Wasaraha Hotel baanu wada deganayn waanu is aragnay,laakiin annagu go'aan bay soo saareen guddigeena iyo Baarlamaanka odayaashii nooga yimi in wada hadal la furo ,laakiin wada hadalkaasi uu noqdo mid fagaare ah oo Beesha caalamku goobjoog ka tahay,laakiin Hotel waanu wada deganayn RW waana la is arkayaa waana la isa salaamayaa''.

Warar xaqiiqa ah oo warsidaha Garowe online horey u soo gaarey ayaa sheegaya in labadaan mas'uul ku balansanayeen magaalada Addis Ababa taasoo sababtey inuu Ra'isal Wasaaraha Somalia kasoo duulo magaalada Nairobi.

Ra'isal Wasaaraha Dowladda Federaalka ayaa maalmo ka hor inta uusan Madaxweyne Gaas magaalada AddisAbaba ka tagey maalmo ka hor kadib markii uu uga qayb galey shirkii ay isugu yimadeen wadamada ku bahoobey urur goboleedka IGAD.

Wararka aan ka heleyno magaalada Addis Ababa ayaa sheegaya in kulanka labada mas'uul ku soo dhamaadey guul daro kadib markii qodobadii laga wada hadley la'isku afgaran waayey taasoo markii dambe loo daayey in dowlada Puntland ka warsugto war-murtiyeedka ay soo saarto.

Warar ku dhow xafiiska Ra'isal Wasaaraha xafiiskisa ayaa dhinaca kale inuu kulankaan labada mas'uul ka shaqeeyo Wasiirka Qorsheynta Siciid  Cabdulahi Dani.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shirweynaha 5-aad ee Golaha Guud ee Ururka Warbaahinta Puntland oo ka furmay Garowe

Madaxwayne ku xigeenka Puntland Ilyaas Cusmaan Lugotoor ayaa daahfuray Shirweynaha oo ay ka qeybgalayaan dhinacyo kala duwan.

  • Puntland

    21-04-2024

  • 11:46AM

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM