Ururka Somalia Rebuild oo 121 ari ah qaybiyey

Image
Image
Image
Image

October 4, 2014 (GO)- Ururka samafalka Somalia Rebuild e.v. ee fadhigiisu dalka Jarmalka yahay oo kaashanaya labada urur ee Hilaal iyo ATIB, ayaa 121 neef oo ari ah ugu deeqay dadka danyarta ah ee aan awoodin inay  maalinta ciidka  xoolo qalaan.

Xoolaha oo laga qaybiyey magaalooyinka Boosaaso iyo Carmo oo labadooduba gobolka Bari ka tirsan, waxaa la gaarsiiyey dad si gaar ah loosoo xulay oo ka tirsan bulshada qaybaheeda danyarta ah iyo weliba dadka nugul sida naafada iyo kuwa xanuunnada dhimirka qaba.

Saamiga ay magaalada Boosaaso heshay waxaa dadkii la siinayey kamid ahaa: agoomaha,  xarumaha lagu xanaaneeyo dadka xanuunada dhimirka qaba, goobaha lagu dhaqan celiyo dhallinyarada darbi jiifka ah, dadka la nool curudka HIV Aids barakacayaasha iyo saldhigyada booliska.

Xasan Maxamuud Yuusuf waa wakiilka Ururka Somalia Rebuild u jooga gobolka Bari, wuxuuna sharaxaad ka bixiyey deeqda xoolaha ah, cidda ku deeqday iyo weliba dadka loogu tala galay in la gaarsiiyo.

Wakiilka Somali Rebuild wuxuu sidoo kale goobta ka akhriyey dhammaan magacyada dadka xoolaha soo diray si ay markhaanti uga noqdaan in xoolihii ay sadaqeysteen sidii ay rabeen loo bixiyey dadkii ay ugu tala  galeenna la gaarsiiyey.

Qaybta labaad ee xoolaha oo tiradoodu dhamayd 30 neef oo ido iyo riyo isugu jira, waxaa laga qaybiyey degmada Carmo oo 100km magaalada Boosaaso koonfurta kaga beegan. Si gaar ah xoolahaas waxaa loogu qaybiyey qaybaha bulshadada ee danyarta ah, barakacayaasha iyo saldhigyada booliska.

Qaar kamid ah dadkii xoolaha la siiyey oo dareenkooda wax laga waydiiyey waxay sheegeen inay aad ugu faraxsan yihiin xoolaha loogu deeqay iyagoo si weynna ugu mahadceliyey walaalahooda muslimka ah ee deeqdan soo diray.

Dhowr mar oo hore ayaa Ururka Somali Rebuild iyo ururada kale ee  ATIB iyo Hilal oo isagu uu wakiil ka yahay waxay sidan oo kale deeq xoola nool ah usoo gaarsiiyeen dadka danyarta ah ee aan awoodin inay udxiyada qalaan

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shirweynaha 5-aad ee Golaha Guud ee Ururka Warbaahinta Puntland oo ka furmay Garowe

Madaxwayne ku xigeenka Puntland Ilyaas Cusmaan Lugotoor ayaa daahfuray Shirweynaha oo ay ka qeybgalayaan dhinacyo kala duwan.

  • Puntland

    21-04-2024

  • 11:46AM

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM