Madaxweyne Deni iyo wafdigiisa oo lagu soo dhaweeyay Kismaayo

Image

KISMAAYO, Jubbaland - Madaxweynaha dowladda Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni, iyo wafdiga uu horkacayo ayaa gaaray magaaladda Kismaayo, xarunta ku meel gaarka Jubbaland.

Wafdiga ayaa waxaa kamid ah Cabdiraxmaan Faroole, madaxweynihii hore ee Puntland ahna xubin ka tirsan Aqalka Sare ee baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya.

Mas'uuliyiintan ayaa waxaa garoonka kusoo dhaweeyay madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam [Axmed Madoobe], kaasoo u soo galbiyey goob in ay ku negaadan.

Xubnahan ayaa waxay ka qeybgalayaa xafladda caleema saarka Axmed Madoobe oo lagu waddo in ay qabsoonto maalinta Sabtida ah ee todobaadka dambe.

Socdaalka madaxda ayaa waxay ka dambeysay markii xukuumada federaalka ay qaadey xayiraadii socdaalka ee Kismaayo kadib cadaadis kaga yimid Beesha Caalamka.

Marti sharaf kale oo lagu casuumay munaasabadda ayaa la filayaa in ay saacadaha soo aadan tagaan magaaladaas dekadda si ay kaga soo muuqdaan xafladda.

Amniga ayaa lagu waramayaa in aad loo adkeeyay, waxaana ciidamada ammaanka heegan buuxda si ay uga hortagaan isku day walba oo qalqal gelinayo nabad-gelyadda

MUUQAALKA SOO DHAWEYNTA

GAROWE ONLINE

Related Articles

Booliska Puntland oo lagala hadlay ka hortaaga xaalufinta deegaanka

Isku xirnaanta Wasaaradda Degaanka iyo Isbedelka Cimilada iyo Hogaanka Booliska ayaa sidoo kale looga hadlay shirkan.

  • Puntland

    27-03-2024

  • 04:28AM

Qardho: Mashruuc horseeday jarista dhir baaxad leh oo laga digay

Wasaaradda deegaanka iyo Isbedelka Cimiladda ee Puntland ayaa ku baaqdey in degdeg loo joojiyo jarista dhirtan.

  • Puntland

    26-03-2024

  • 01:41PM