Madaxweyne Gaas oo booqasho aan la shaacin ku gaarey Nairobi [ Sababta]

Image

GAROWE- Madaxweyne Gaas ayaa maalintii shaley booqasho aan horey loo shaacin ku tagey magaalo madaxda dalka Kenya ee Nairobi halkaas oo la sheegey inuu kulamo kula yeelanayo xubno ka tirsan beesha caalamka.

Safarka Madaxweyne Gaas oo ku soo beegmaya xilli weli ay kacsan tahay xaalada Tukaraq ayaa wararka GO helayo sheegayaan in Nairobi uu kulamo kula qaadanayo midowga Yurub oo joojiyey mashaariic ay ka dhisayeen Puntland kuwasoo la musuqmaasuqey. 

Mashruuca lagu dhisayo wadada isku xirta Garowe iyo Galkacayo gaar ahaan tuulooyinka Jalam iyo Xarfo kasoo lacagtiisa ay bixinayeen Midowga Yurub ayaa joogsadey kadib markii hay’adii wakiilka uga aheyd deeqdaas Wadamadaas shaqalahedii kala baxdey Puntland.

Hay’ada GIZ oo Wakiil uga ah midowga Yurub hirgalinta mashruucaan ayaa ku eedeysay Puntland in dhinacyadii fulinta qandaraskaan mas’uulka ka ahaa ( PHA iyo Is-xilqaan) gacansaar dhexmarey dhexdooda ay sababtey in dhismaha wadadaaas sidii lagu heshiiyey loo fulin waayey.

Wafdi xaqiiqo raadis ah oo Midowga Yurub u soo direy dhowaan Puntland ayaa laga sugayaa iney soo saaraan warbixin ku saabsan in mashruucaan dib loo bilaabi karo iyo inkale.

Madaxweyne Gaas ayaa sida GO ogaadey isku dayaya in deeq bixiyaasha midowga Yurub ku qanciyo in mashruucaas dib loo bilaabo isagoo balan qaadaya wax ka qabashada musuqmaasuqii ay ku kaceen saraakiisha isaga wakiilka uga aheyd fulinta qandaraaskaan iyo Hay’adda Wadooyinka Puntland (PHA).

Dhinaca kale Gaas ayaa la filayaa in lagala hadlo xiisada u dhexeysa Puntland iyo Somaliland iyadoo la filayo in wadamada daneeya arimaha Soomaaliya cadaadis ku saari doonaan inuusan duulaan qaadi karin.

Gaas ayaa inta uu Garowe ka ambabixin kulan la qaatey sarakisha ciidamada Puntaland, ku xigeenkiisa iyo qaybo ka tirsan bulshada kuwasoo uu kala hadlay xaalada Tukaraq isagoo sheegey in safarkiisu qaadan doono muddo Sadex cisho ah.

Madaxweyne Gaas ayaa safarkaan waxaa ku weheliyey agaasimihiisa Madaxtooyada iyadoo aysan jirin Wasiir ka tirsan golihiisa xukuumada oo Garoowe ka raacey.

Cabdiweli Maxamad Cali Gaas oo talada Puntland hayey muddo ku dhow 5 sano ayaa waxaa maamulkiisa ragadiyey musuqmaasuq baahsan kasoo saameyn ku yeeshey mashaariicdii hurumarinta Puntland ka socotey gaar ahaa kuwa ay bixinayeen lacagtiisa Midowga Yurub, hay’adaha Qaramada Midoobey sida ( UNICEF) iyo World Bank kuwasoo rajo xumo badan ka muujiyey sidii ay ula sii shaqeyn lahaayeen Xafiiska Madaxweynaha oo faragalin ba’an ku haya howlahooda.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Shirweynaha 5-aad ee Golaha Guud ee Ururka Warbaahinta Puntland oo ka furmay Garowe

Madaxwayne ku xigeenka Puntland Ilyaas Cusmaan Lugotoor ayaa daahfuray Shirweynaha oo ay ka qeybgalayaan dhinacyo kala duwan.

  • Puntland

    21-04-2024

  • 11:46AM

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM