Magalada Garowe oo laga xusay dhalashada Puntland

Image
Image
Image

Magalo madaxda Puntland ee Garowe ayaa maanta oo Jimce ah waxaa lagu qabtay munaasibad lagu maamusayo xuska kowda Agoosto oo ku beegan waqtigii la aasasay 1998.

Fagaaraha caanka ah ee baraxada oo ay iskugu yimaadeen kumanaan dadwayne ah oo calanka Puntland qaarkood ku labisan ayaa waxaa lagu soo bandhigay fantasiyo kala duwan waxana wadada laamiga ah maray xaafadaha,iskuulada,Jaamacadaha,Barakacayasha iyo qaybaha kala duwan ee ciidanka difaaca dowladda Puntland.

Goobta munaasibada lagu qabtay waxaa ku sugnaa gollayaasha kala duwan ee dowladda iyo madaxdooda ugu saraysa,saraakiisha ammaanka iyo dadwayne kale oo dalka iyo dibada uga yimi inay Garowe ku muujiyaan dhalashada Puntland.

Wasiirka howlaha guud iyo gaadiidka oo ahaa gudoomiyaha qaban qaabada xuska Cabdirashiid Maxamed Daahir ayaa goobta ka sheegay inay waqti iyo dadaal badan galiyeen sidii xus wanaagsan loogu samayn lahaa Puntland xiligii la dhidmay oo 16-sano ay kasoo wareegatay.

Cudada ciidanka iyo isku xirnaanshaha shacabka ayuu sheegay inay tahay mid loogu talo galay inay ka naxaan cadowga Puntland iyo dadka dhibkeeda jecel.

Madaxwaynaha Puntland oo xuskani ay u ahayd tii ugu horaysay oo uu ka qayb galo Dr.Cabdiwali Maxamed Cali (Gaas) ayaa sheegay khudbadda uu Kowda Agoosto ugu talo galay inuu soo jeedin doono habeenimada caawa ah balse uu ku faraxsan yahay qaabka ay shacabka Puntland ugu midaysan yihiin xusaska noocan oo kale ah.

Munaasibado tan la mid ah ayaa ka socda gobalada kale ee Puntland iyo dalka dibadiisa kuwaasoo lagu soo bandhigayo taariikhdii iyo marlaxadaha ay Puntland soo martay.

Puntland ayaa la dhisay 1998 xiligaasi oo ay shir wayne iskugu yimaadeen Isimo,Cuqaal,siyaasiyiin,Haween.dhalinyaro iyo aqon yahano kuwaasoo sheegay inay muhiim tahay sidii loo baadi goobi lahaa qaranimaddii Soomaaliya ayna qasab tahay in marka hore gobaladda waqooyi bari mamul oo dhiso.

GAROWEONLINE

Related Articles

Shirweynaha 5-aad ee Golaha Guud ee Ururka Warbaahinta Puntland oo ka furmay Garowe

Madaxwayne ku xigeenka Puntland Ilyaas Cusmaan Lugotoor ayaa daahfuray Shirweynaha oo ay ka qeybgalayaan dhinacyo kala duwan.

  • Puntland

    21-04-2024

  • 11:46AM

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM