GAROWE, Puntland - Ku-simaha Madaxweynaha ahna Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Puntland, Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa maanta magacaabay Taliyaha Qaybta Booliiska Gobolka Sool.

Sida laga soo xigtay wareegto lagu faafiyey barta Facebook ee madaxtooyadda, Gaashaanle Sarre, Aadan Maxamed Cabdi, ayaa loo xushay in uu noqdo Taliyaha qaybta Booliiska Gobolka Sool.

Aadan ayaa, sidda ku xusan digreetadda, waxaa loo magacaabay xilkan kadib markii Karaash uu tixgeliyey "Aqoontiisa, waayo-aragnimadiisa shaqo iyo Shaqada ka socota Taliska Qaybta Booliiska Gobolka Sool".

Hoos ka akhriso wareegtadda

Garoowe: 18 July 2021: Ku-simaha Madaxweynaha ahna Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa magacaabay Taliyaha  Qaybta Booliiska Gobolka Sool.

Ku-simaha Madaxweynaha ahna Madaxweyne ku-xigeenka dowladda Puntland.

Markuu arkay:   Dastuurka Dowladda Puntland.

Markuu arkay:   Talo soojeedinta Taliska Booliiska Puntland.

Markuu arkay:  Aqoontiisa iyo waayo-aragnimadiisa shaqo.

Markuu tixgeliyay:  Shaqada ka socota Taliska Qaybta Booliiska Gobolka Sool.

Wuxuu u magacaabay:-

G/sare Aadan Maxamed Cabdi  Taliyaha qaybta Booliiska Gobolka Sool.

Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu saxiixo ku-simaha Madaxweynaha ahna Madaxweyne ku-xigeenku , wuuna saxiixay.

=DHAMMAAD=


Gobolka Sool ayaa ah kamid ah meelaha ay ku muransan yihiin iskuna haystaan maamulada Puntland iyo Somaliland isla markaana dhowr jeer uu ku dhexmaray dagaalo sababay dhimasho iyo dhaawacba.

GAROWE ONLINE