Puntland: Agaasiimahii PIA oo Xog badan bixiyay [Dhageyso]

Image

GAROOWE, Puntland - Kadib markii shalay wareegto kasoo baxday Xafiiska Cabdiweli Gaas xilalkii looga qaaday hogaanka Hay'addaha Sirdoonka iyo amniga ee Puntland, ayaa waxaa arintaasi ka hadlay mid kamid ah Taliye-yaashii shaqada laga eryay.

Cabdirsaaq Ciise Xuseen (Khaatumo) oo ah, agaaismaha PIA-da ee xilka laga qaaday, ayaa wuxuu ka hadlay siduu u arko xilka qaadista lagu sameeyay, sababta loo eryay iyo caqabadihii uu la kulmay mudadii uu xilka hayey.

Mudane Khaatumo oo wareysi siiyay VOA-da ayaa aqbalay xilka qaadista lagu sameeyay, isagoo daboolka ka qaaday in xafiiska Gaas iyo Madaxtooyadda midna aysan kusoo war-gelin xilka qaadistiisa, illaa uu isaga kala xiriiro, oo loo xaqiijiyo.

"La iguma soo wargelin xilka qaadista xitaa madaxtooyada ilama soo xiriirin, illaa aan aniga xiriir la sameeyay, kadib markii aan ka arkay warbaahinta in xilka la iga qaadey," ayuu u sheegay Laanta Af-Soomaaliyda ee VOA-da.

Mar la weydiiyay sababta uu ku waayey xilkiisa ayuu ka meer-meertay inuu daaha ka rogo, isagoo kusoo koobay in markii horeba uu xilka u magacaabey Madaxweyne Gaas, haddana isaga ka qaadey.

Laakiin, wuxuu shaaciyay inay jireen caqabado waaweyn oo haystay mudadii uu xilka hayey oo ay ugu wayn yihiin; dhaqaalaha iyo agabka shaqo, isagoo tilmaamay in ugu yaraan ay qabteen wixii awoodooda ahayd.

"Marka aad eegto agabkii aan haysanay iyo daruufihii aan kusoo shaqeynay, waxaan dhihi karaa in ugu yaraan wixii aan awoodnay qabanay, way jiri karaan qodobo nagula dhaliilay," ayuu Khatuumo ku daray hadalkiisa.

- Dhaqdhaaqa "Argigixisada" ee Puntland -

Sanadkii lasoo dhaafay Al-Shabaab iyo Daacish ayaa cudud xoogan ku yeeshey deegaanada Puntland, gaar ahaan gobolka Bari, iyagoo fuliyay weeraro dhowr ah, kuwaasoo ay kamid ahaayeen Af-Urur iyo Balli-Khadar oo lagu dilay Askar badan.

Mid kamid ah, weeraradii ugu dhimashada badnaa ee ciidamada Puntland la kulmaan sanadkii hore wuxuu ahaa midka lagu qaaday bishii June Saldhiga Af-Urur, kaasi oo ka dhashay khasaaro aan dowladda wali si rasmi ah u shaacin.

Agaasimihii hore ee Hay'adda PIA-da oo wax laga weydiiyay hadii weeraradaas ay ku yimaado daciifnimo dhanka Sirdoonka ah, ayaa ku jawaabey inaysan jirin gaabis dhankooda ah, islamarkaana weeraro kuwaasi lamid ah ay ka dhacaan dalka oo idil.

"Lama dhihi karo, daciifnimo dhanka sirdoonka ayey ku yimaadaan. Weeraradaan noocaan ah, waxay ka dhacaan Soomaaliya oo dhan, Puntland la dagaalanka argigixisada, meelaha kale ee Soomaaliya way uga horeysaa," ayuu yiri Taliyaha xilka laga qaadey.

Laakiin, wuxuu kusoo cel-celiyay, in caqabado dhanka dhaqaalaha ahayd waxa ugu wayn oo ay ka dhaqaaqi waayeen, taasoo maamulka Cabdiweli Gaas uu ku fashilmay inuu bixiyo, si kooxaha argigixisada ah looga saaro deegaanada Puntland.

- Xiriirka Sirdoonka Puntland iyo midka DFS -

Khaatumo wuxuu sharaxay nooca xiriir oo ay la lahayeen Sirdoonka dowladda Federaalka Soomaaliye ee fadhigeedu yahay Muqdisho, marka laga hadlayo dhanka is dhaafsiga macluumaadka.

Wuxuu tilmaamay in inkastoo uu xiriirkooda fiicnaa, hadana uusan ahayn sidii la rabay, taasoo sababta ugu wayn uu ku sheegay inay tahay in madaxda Hay'adda Sirdoonka dowaldda Federaalka lagu sameynayo isbedalo, joogta ah, oo Taliye kasta xilka laga qaado isagoo shaqadii fahmin.

"Iyadoo ay jirto dhaqaalo yari, iyadoo ay jirto in aysan si fiican isugu xirmin maamul goboleedyadda iyo dowladda Federaalka, ayaa waxaa hadana caqabad kale noqotay in hogaanka Hay'adda Sirdoonka lagu sameynayo isbedalo joogta ah, iyagoo aan xafiiska si fiican ula qabsan la eryo," ayuu kusoo xiray hadalkiisa.

Xilka qaadista Taliye-yaasha PIA iyo PSS ayaa kusoo beegmaysa xili mudo sanado ah ay howlgab ahaayeen Hay'adahan Sirdoonka iyo Amaanka Puntland. [Halkan ka akhri Warka].

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shirweynaha 5-aad ee Golaha Guud ee Ururka Warbaahinta Puntland oo ka furmay Garowe

Madaxwayne ku xigeenka Puntland Ilyaas Cusmaan Lugotoor ayaa daahfuray Shirweynaha oo ay ka qeybgalayaan dhinacyo kala duwan.

  • Puntland

    21-04-2024

  • 11:46AM

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM