​Puntland: Askar ku dhimatay Weeraro ka dhacay Buuraha Galgala ee gobolka Bari

Image

BOSASO, Puntland- Ciidamo katirsan kuwa difaaca Puntland, ayaa maanta iyo shalay ku dhintay weeraro ka dhacay buuraha Galgala ee gobolka Bari, sida ay xaqiijiyeen warar warsidaha GO ka helay saraakiil katirsan laamaha ammaanka Puntland.

Mallashiyaad lagu qiyaasay 60 ayaa Galabnimadii Jimcaha 18 Augosto, 2017 weerar ku qaaday Saldhig ay difaac kaga jireen ciidamo katirsan kuwa ka howlgala gobolka Bari, waxaana halkaas ka dhashay dhimasho iyo dawac.

Ilo xog ogaal ah oo la hadlay GO, ayaa xaqiijiyay in madaafiic ay soo tuureen mintidiin katirsan Al Shabaab uu ku dhintay hal Askari, waxaana ciidamadu iska caabiyeen weerarka kooxdaas.

“Mallayshiyaad hubaysan oo aan ku qiyaasnay 60 ayaa weerar kusoo qaaday fariisinka ciidamadeenu ku leeyihiin buuraha Galgala, waxayna soo rideen hoobiyaal dhowr ah, ciidamadeenu waxay ku guulaysteen inay iska difaacaan weerarkaas, balse waxa goobta nooga dhintay hal askari.” Sidaas waxaa Garowe Online u sheegay mid kamid ah saraakiisha ammaanka Puntland oo magaciisa codsaday inaan la shaacin.

Sidoo kale waxaa nawaaxiga tuulada Balli Khadar maanta ka dhacay qarax kadib markii ciidamo u socday Galgal Askari katirsanaa uu ku istaagay miino lagu aasay waddo Gasha buuraha, waxaana halkaas ku dhintay Labo kamid ah ciidamada Puntland, halka ay uu dhaawacmay mid kale.

Weeraradan ilaa hadda kama aysan hadlin xukuumadda Puntland iyo saraakiisha ammaanka.

Balse war kasoo baxay kooxda Al Shabaab ayaa lagu sheegtay mas’uuliyadda Qaraxaas iyagoo tilmaamay inay dileen toboneeyo katirsan ciidamada Difaaca Puntland.

Xaaladda gobolka gaar ahaan Buuraha Gal-gala ayaa degan, inkastoo ay jirto khatarta kooxaha Argagixisada ee falalka amni darro ee lidka ku ah ciidamada Puntland iyo shacabka.

Dhawaan ayay ahayd markii ciidamo katirsan kuwa daraawiishta Puntland oo ku sugnaa Tuulada Af-urur weerar lagusoo qaaday halkaasoo ay ka dhasheen khasaaro dhimasho iyo dhaawac isugu jira.

Gobolka Bari, waxaa ku sugan mallayshiyaad ka kala tirsan Al Shabaab iyo Daacish kuwaasoo ka dambeeya weerarada ka dhaca gobolka iyo magaalada Bosaso oo xarun u ah Bari.

GAROWEONLINE

Related Articles

Booliska Puntland oo lagala hadlay ka hortaaga xaalufinta deegaanka

Isku xirnaanta Wasaaradda Degaanka iyo Isbedelka Cimilada iyo Hogaanka Booliska ayaa sidoo kale looga hadlay shirkan.

  • Puntland

    27-03-2024

  • 04:28AM

Qardho: Mashruuc horseeday jarista dhir baaxad leh oo laga digay

Wasaaradda deegaanka iyo Isbedelka Cimiladda ee Puntland ayaa ku baaqdey in degdeg loo joojiyo jarista dhirtan.

  • Puntland

    26-03-2024

  • 01:41PM