Puntland: Dagaal ka socda Nawaaxiga degmada Tukaraq

Image

GAROOWE, Puntland- Dagaal u dhaxeeya ciidamada Puntland iyo kuwa Somaliland ayaa hadda ka socda degmada Tukaraq ee gobolka Sool, halkaas oo muddo shan bilood ah isku horfadhiyeen xoogaga labada dhinac.

Dagaalka oo xoogiisu hadda bilowday ayaa saaka waabarigii qabsaday ciidamada Puntland ee furinta hore joogay, kuwaasoo sida la sheegay ay gacan qaadka lahayd Somaliland.

Lama oga khasaaraha rasmiga ah ee isku dhaca labada dhinac, balse Wasiirka Warfaafinta Puntland, Cabdi Xirsi Cali Qarjab oo hadlay wuxuu sheegay in dib loo riixay ciidamada Somaliland.

Qarjab ayaa tilmaamay in maamulka Somaliland uu lahaa daan-daansiga dagaalkii ka dhacay saaka gobolka Sool, wuxuuna sheegay in ciidamada Puntland ka soo hoyiyeen guulo.

Dhinaca kale saraakiil u hadlay Somaliland ayaa sheegay in dagaalku dhowr jiho ka qabsaday waabarigii hore ee saaka kadib markii ay weerar ku soo qaadeen ciidamo katirsan Puntland.

Dagaalka ayaa yimid maalin uun kadib markii ciidamo labada dhinac katirsan oo sahan ahaa uu dagaal ku dhex-maray nawaaxiga degmada Tukaraq.

Maaha markii ugu horaysay ee labada maamul dhex-maro dagaal salka ku haya lahaanshahab gobollada Sool, Sanaag iyo Cayn, balse tallaabadan ayaa timid kadib markii Somaliland ay qabsatay degmada Tukaraq oo kastam u ahayd Puntland 8-dii January, 2018, markaasoo maamulkan uu u dabaal dagi lahaa aas-aaskiisa islamarkaana uu booqasho ku joogay magaalada Garoowe.

Sidaas si lamid ah maamulka Somaliland ayaa maanta u dabaal dagaya 27 sano guuradii kasoo wareegtay gooni isu-taagga Somaliland.

Arrintan ayaa kusoo beegmaysa xilli todobaadkan dhexdiisa Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u kala dab-qaadayay labada maamul isagoo la kulmay Labada Madaxweyne iyo waxgarad kale oo uu ku jiro Senator Cabdiraxmaan Farole.

Wixii faah faahin ah dib ayaan idiin ka soo gudbin doonaa

GAROWE ONLINE

Related Articles

Geerida Xaawo Aadan Cameey: Haldoor taariikh ku reebtay waxbarashada gabdhaha Soomaaliya

Marxuumad Xaawo waxay ahayd aasaasihii iyo agaasimihii Xarunta Waxbarashada Gaalkacyo…

  • Puntland

    14-09-2026

  • 10:12AM

Burcad-badeeda oo sii daayay markab iyo 17 shaqaale ah kadib bixinta madax-furasho

Waxaa ka mid ahaa laba dooni oo kalluumeysi oo laga leeyahay Iran iyo markabka MV Lutuf, oo ka babanayay calanka Cameroon.

  • Puntland

    13-09-2026

  • 06:52AM