Puntland iyo DF oo heshiis cusub kala saxiixdey [DHEGEYSO]

Image
Image

April 12, 2015 (GO)- War-murtiyeed ayaa laga soo saarey shir muddo labo maalmood qaatey oo Dowladda Federaalka iyo Puntland ku dhex maray magaalada Garowe.

War-murtiyeedka oo nuqul kamid ah Garowe Online heshay ayaa u qornaa sidan:


War-muurtiyeed ka soo baxay kulankii dhexmaray Dawladda Federaalka Soomaaliya iyo Dawladda Puntland ee Soomaaliya

 
Garoowe. 12 Abriil 2015
Horudhac          
                                                                
Waxaa booqasho qaadatay 10 -12 Abriil 2015 ku yimid magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland wafdi ka socda Dawladda Federaalka oo uu hogaaminayo Ra’iisal Wasaaraha Dawladda Soomaaliya, Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake, kulanka wada-xaajoodka oo dhexmarey wafdiga Ra’iisul Wasaaraha iyo Dawladda Puntland,  waxaa la isku raacay war-muurtiyeedkan:
 
1- Fulinta iyo hirgalinta heshiisyadii horey loo galay. Dawladda Federaalka Soomaaliya iyo Dawladda Puntland waxay isku afgarteen dardar-galinta dhammaan heshiisyadii ay horay u gaareen labada dhinac , oo uu ugu danbeeyay heshiiskii ay wada galeen labada dhinac 14kii October ee sanadkii 2014. Si arrintaasi loo gaaro waxaa la magacaabay guddi isku-dhaf ah oo ka shaqeeya hirgelinta heshiisyadaas,waxaana la soo dhoweeyey wixii ka qabsoomay heshiisyadii la galay.

2- Shuruucda ay DFS soo saarto iyo samaynta guddiyadda heer qaran. Waxaa la isku raacay in dawladaha xubnaha ka ah Dawladda Federaalka Soomaaliya lagala tashado xeerarka uu ansixiyo Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo dhismaha guddiyada madaxa bannaan ee heer qaran, sida uu qabo Dastuurka Federaalka, Qodobkiisa 111aad, Farqaddiisa 2aad.
 Dhismaha dawladaha xubnaha ka ah Dawladda Federaalka Soomaaliya. Dhismaha dawladaha xubnaha ka noqonaya Dawladda Federaalka Soomaaliya waxaa loo marayaa si waafaqsan Dastuurka Federaalka Soomaaliya.
 
3- U diyaar garowga iyo qabashada madasha wadatashiga madaxda sare ee DFS iyo dawladaha xubnaha ka ah. Sidii lagu heshiiyey shir-madaxeedkii ka dhacay Muqdisho 6dii Febraayo 2015, waxaa lagu qaban doona kulanka madasha wadatashiga madaxda sare magaalada Garoowe bisha Abriil 2015, waxaana la isla gartay in guddiyadii farsamo ee horey la iskugu waafaqay ay soo dhamaystiraan taabbagalinta hawlaha madasha heer qaran.
 
4- Dhismaha ciidan qaran oo ummadda u dhexeeya. Si loo dhiso ciidan qaran oo  leh sumad qaran waxaa laysku afgartay in sadex kun (3000), oo askari loo qoondeeyey Dawladda Puntland.
 
5- Doorka Puntland ee Wadahadalada Dawladda Federaalka iyo Maamulka Somaliland. Waxaa lasoo dhaweeyay sida Dawladda Soomaaliya ay u maamulayso wadahadalka lagula jiro Somaliland iyo mowqifka ay iska taagtay wadahadaladii ugu danbeeyey.

6- Is-kaashiga hay’adaha dawladda Federaalka soomaaliya iyo Dawladda Puntland.  Labada dhinac waxay ku heshiiyeen inay si toos ah iskaashi iyo wadashaqayn buuxda u yeeshaan wasaaradaha labada dhinac sida:

  • Arrimaha dastuurka
  • Qaybsiga deeqaha caalamka iyo waxbarashada
  • Iskaashiga  qorshaha qaranka
  • Siyaasadda Isgaadhsiinta qaranka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Booliska Puntland oo lagala hadlay ka hortaaga xaalufinta deegaanka

Isku xirnaanta Wasaaradda Degaanka iyo Isbedelka Cimilada iyo Hogaanka Booliska ayaa sidoo kale looga hadlay shirkan.

  • Puntland

    27-03-2024

  • 04:28AM

Qardho: Mashruuc horseeday jarista dhir baaxad leh oo laga digay

Wasaaradda deegaanka iyo Isbedelka Cimiladda ee Puntland ayaa ku baaqdey in degdeg loo joojiyo jarista dhirtan.

  • Puntland

    26-03-2024

  • 01:41PM