Puntland iyo Jabuuti oo xoojinaya iskaashiga kaabayaasha dhaqalaaha

Image
Image
Image
Image

GAROWE, Puntland - Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo uu wehliyo Madaxwyne Ku-xeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan, ayaa kulan la qaatay danjiraha Jabuuti u fadhiya Dalka Soomaaliya Ambassador Aadan Xassan Aadan iyo Wefti uu Hoggaaminayo oo booqasho ku yimi Puntland.

Madaxweyne Deni iyo Ambassador Aadan ayaa ka wada hadlay, xiriirka ka dhexeeya Puntland iyo Jabuuti iyo Sidii la isaga kaashan lahaa xoojinta arimaha Ganacsiga iyo Horumarinta Kaabayaasha Dhaqalaaha.

Weftiga ayaa maalintii shalay Booqday Dekadda Cusub ee laga dhisaayo Magalaadda Garacad waxana ay soo kormeereen sida ay u socoto howsha dhismaha Dekadda, kulanka ayaa sidoo kale waxa goob joog ka ahaa Wakiilka Puntland ee Jabuuti Mudane Siciid Mahdi iyo Masuuliyiin kale.

MUUQAALKA DENI

Madaxtooyadda Puntland

Related Articles

Geerida Xaawo Aadan Cameey: Haldoor taariikh ku reebtay waxbarashada gabdhaha Soomaaliya

Marxuumad Xaawo waxay ahayd aasaasihii iyo agaasimihii Xarunta Waxbarashada Gaalkacyo…

  • Puntland

    14-09-2026

  • 10:12AM

Burcad-badeeda oo sii daayay markab iyo 17 shaqaale ah kadib bixinta madax-furasho

Waxaa ka mid ahaa laba dooni oo kalluumeysi oo laga leeyahay Iran iyo markabka MV Lutuf, oo ka babanayay calanka Cameroon.

  • Puntland

    13-09-2026

  • 06:52AM