Puntland iyo Jubaland oo beeniyey in khilaaf soo kala dhex galay

Image

December 15, 2014 (GO)- Madaxweynaha  Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo maalintii labaad ku sugan dalka Ethiopia  ayaa halkaas kula kulmay madaxweyne ku xigeenka Jubbaland Cabdulaahi Ismaaciil Fartaag.

Kulanka Gaas iyo Fartaag waxaa intiisa badan lagu gorfeeyey sidii loo sii xoojin lahaa xiriirka ka dhexeeya Puntland iyo Jubaland, waxaa sidoo kale layska waraystay horumarrada dhanka siyaasadda iyo ammaanka labada dhinac ka sameeyeen.

Puntland iyo Jubaland ayaa si wadajir ah u beeniyey warar maalmihii u dambeeyey warbaahintu isla dhex maraysay oo sheegayey in khilaaf soo kala dhex galay labada maamul.

Been abuur iyo warar dad dano gaar ah lihi faafiyeen ayaa lagu tilmaamay, waxayna labada mas'uul xaqiijiyeen in xiriirka Puntland iyo Jubaland meeshii ugu fiicnayd marayo.

Madaxweynaha Puntland ayaa sidoo kale Addis Abaab kula kulmay gudoomiye ku xigeenka labaad ee Baralamanka Federaalka Soomaaliya Mahad Cabdala.

Gaas ayaa bogaadiyey shaqada uu Barlamanku hayo isagoo ku baaqay in howsha lasii dardargeliyo si loo gaaro himilooyinka 2016-ka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Booliska Puntland oo lagala hadlay ka hortaaga xaalufinta deegaanka

Isku xirnaanta Wasaaradda Degaanka iyo Isbedelka Cimilada iyo Hogaanka Booliska ayaa sidoo kale looga hadlay shirkan.

  • Puntland

    27-03-2024

  • 04:28AM

Qardho: Mashruuc horseeday jarista dhir baaxad leh oo laga digay

Wasaaradda deegaanka iyo Isbedelka Cimiladda ee Puntland ayaa ku baaqdey in degdeg loo joojiyo jarista dhirtan.

  • Puntland

    26-03-2024

  • 01:41PM