Puntland: Khasaare ka dhashay rabshado ka dhacay Boosaaso

Image

BOOSAASO, Puntland- Mudaharaad rabashado wata ayaa maanta ka dhacay magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland, kadib markii ay isu soo baxeen dad kacabanaya dekedda Boosaaso oo xiran in kabadan todobaad.

Dadka mudaharaadayay ayaa isugu jiray xoogsato, ganacsatada wax kala soo daga dekedda Boosaaso iyo qaar kamid ah shacabka magaalada.

Inta la ogyahay hal qof ayaa ku dhintay rabshado ka dhashay bannaanbaxaas, waxaana sidoo kale dhaawacmay 3 kale.

Dadka dibadbaxa dhigayay ayaa xiray waddooyinka muhiimka ah ee magaalada gaar ahaan kuwa gala dekedda Boosaaso, iyagoo ku gooyay dhagaxaan iyo taayaro.

Qaar kamid ah dadka cabanaya oo la hadlayay warbaahinta gudaha ayaa sheegay inaysan saamaysay dhibaatada ka taagan dekedda, taasoo salka ku haysa lacago ganacsatadu sheegeen in lagu kordhiyay gaadiidka badeecooyinka keena. Balse arrintaas waxaa goor sii horaysay beeniyay wasiirka wasaaradda Dekedaha iyo gaadiidka Puntland Siciid Maxamed Raage oo sheegay in muranku salka ku hayay khidmada laga qaadayo ganacsatada maadama Boosaaso la keenay mashiinka hubinaya tayada cuntada, kaasna xal laga gaaray.

"Dab gurigeena lagama shidan 24 saac, waxaana wax loo dul qaadan karo maaha waa in deg deg naloo ku furaa dekedda, carruurtii Gaajaa naga laysay, rafaad baa nahaysta," sidaas waxaa yiri Maxamed Bile oo kamid ah dadkii dibadbaxa dhigayay.

Sidoo kale qof kale oo aan magaciisa sheegin ayaa yiri, "Dekedda waxaa iska leh shacabka Soomaaliyeed cid gooni ah uma xirnaan karto, deg deg ha loo furo waxaa ku dhex dhumaya dhibaatadan waa shacabka."

Xaaladda ayaa hadda u muuqata mid soo dagaysa, waxaana waddooyinka magaalada lasoo dhoobay ciidamo kuwaasoo kala eryay dadkii dibadbaxa dhigayay.

Dhinaca kale waxaa maanta isla magaalada Boosaaso ka dhacay shir ay isugu yimaadeen ganacsatada gadoodsan iyo nabadoono, waxaana qodobo ay kasoo saaren shirkooda kamid ahaaa in dowladdu wax ka qabato dhibaatada ka taagan xarunta gobolka Bari.

Majirto ilaa hadda wax war ah oo kasoo baxay dowladda Puntland, waxaana dhacdadan kusoo aaday xilli Madaxweyne Gaas oo safar shaqo u joogo magaalada Muqdisho.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Booliska Puntland oo lagala hadlay ka hortaaga xaalufinta deegaanka

Isku xirnaanta Wasaaradda Degaanka iyo Isbedelka Cimilada iyo Hogaanka Booliska ayaa sidoo kale looga hadlay shirkan.

  • Puntland

    27-03-2024

  • 04:28AM

Qardho: Mashruuc horseeday jarista dhir baaxad leh oo laga digay

Wasaaradda deegaanka iyo Isbedelka Cimiladda ee Puntland ayaa ku baaqdey in degdeg loo joojiyo jarista dhirtan.

  • Puntland

    26-03-2024

  • 01:41PM