Puntland oo ku adkeysaneysa in la baaro qaraxii lagu eedeeyay Qatar

Image

GAROWE, Puntland – Dowladda Puntland ayaa ku adkeysaneysa mowqifkeeda ku aadan in la baaro qaraxii bishii May ka dhacay magaaladda dekadda leh ee Boosaaso kaasoo lagu eedeeyay dowladda Qatar.

Maxamed Cabdiraxmaan Maxamed, lataliyaha sarre ee dhanka ammaanka madaxweynaha Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni ayaa shaaciyay in uusan wax isbedel ku imaan mowqifka xukuumadda ee baaritaanka weerarka argagaxiso.

Wargeyska New York Times oo baahisay sheekada ku aadan in Qatar ay kaalin ku lahayd qaraxa ay ku dhaawacmeen tobban ruux ayaa xusay in  ujeedku ahaa in meesha looga saaro Imaaraadka, oo dhincyo kala duwan ka taageera Puntland.

"Arrinta ay Jariiradu ka qortay Qatar iyo ku lug-lahaanshiyaheeda qaraxii Boosaaso ka dhacay, qodobkaasi dowladda Puntland mowqif bey ka qaadatay, madaxweynuhuna waa ka hadlay, markii ugu horeysay oo ay jariiradu shaacisay maqaalkeeda," ayuu yiri Maxamed Cabdiraxmaan Maxamed, xilli uu ka qeybgalayay Barnaamijka Faaqidaada VOA, laanteeda Afka Soomaaliga.

Isagoo sharaxaya mowqifka dowladda Puntland, La-taliyaha ayaa yiri: "Waxay Puntland ka qaadatay mowqif, waxayna ka dalbaneyso dowladda Soomaaliya in arrinkaasi ay si degdeg ah baaris ugu sameeyso".

Wargeyska New York Times ayaa sheegay in uu hayo cod laga duubay safiirka Qatar u fadhiya Muqdisho, kaasi oo ganacsade dalkaasi u dhashay "u sheegaya in ay iyagu ka dambeeyeen qaraxii Boosaaso".

"Wargeysku lama dhayal-san karo, New York Times, waa jariirad ballaaran, waxyaabaha ay ka shan-qarisay, tuhun bey iyaddu koley muujisay, oo waxay tiri arrin caddeyneysa waan haynaa, annagu ka dowlad ahaan, mowqifkeena illaa iyo hadda ma aha Qatar baa ka dambeysay ama dowlad kalaa ka dambeysay, laakiin maadaama warkaasu soo baxay soona shaac-baxay, waxaan ku dhawaaqnay, oo cod-saneynaa in baaris degdeg ah lagu sameeyo, welina mowqifkaasi ayaan taaganahay," ayuu lataliyaha sare ee amniga Madaxweyne Deni ku daray hadalkiisa.

Xukuumadda Dooxa ayaa iska fogeysay eedeymaha loo jeediyay iyadda oo dowladda federaalka Soomaaliya ay sheegtay "in ay ku qanacday" beeninta iyo sharaxaada Qatar.

Warbixinta NYT ayaa timid iyadda oo mudooyinkii dambe ay magaala madaxda dalka, Muqdisho iyo magaalooyinka kale ee qaar ay kusoo kordhayeen weerarada qaraxyadda, kuwaas oo galaaftay nolosha dad badan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Booliska Puntland oo lagala hadlay ka hortaaga xaalufinta deegaanka

Isku xirnaanta Wasaaradda Degaanka iyo Isbedelka Cimilada iyo Hogaanka Booliska ayaa sidoo kale looga hadlay shirkan.

  • Puntland

    27-03-2024

  • 04:28AM

Qardho: Mashruuc horseeday jarista dhir baaxad leh oo laga digay

Wasaaradda deegaanka iyo Isbedelka Cimiladda ee Puntland ayaa ku baaqdey in degdeg loo joojiyo jarista dhirtan.

  • Puntland

    26-03-2024

  • 01:41PM