Puntland oo wacad ku martay in ay u aargudeyso gudoomiyihii Nugaal

Image

GAROWE, Puntland – Dowlada Puntland waxaa ka go'an in ay u aargudo gudoomiyihii gobolka Nugaal, Cabdisalaan Xasan Xirsi ee xalay ku dhintay qaraxii magaalada Garowe, sidda uu ka dhawaajiyey taliska booliska.

Muxyadiin Axmed Muuse, taliyaha guud ee ciidamada bileyska Puntland, ayaa wuxuu weerarkaas ku qeexay "fal fulaynimo ah".

Isagoo wariyeyaasha la hadlay kadib aaska marxuumka, taliye Muxyadiin ayaa sheegay in ay tirro dad ah u soo xireen dhacdadaas, isla markaana ay sareyso rajadooda ku aadan kiiskaas.

"Wuxuu ahaa falkaas mid fulaynimo ah, fuley. Wax uu la dhac-dhacay bey ahayd, Ilaahey idinkiisa waanna soo qabaneynaa mana la waayayo, dadweynahana waxaan u sheegayaa wax dhibaato ah ha u dareeminina qofka markii tiisu gasho ayuu dhimanayaa, waana laga dabategayaa, waanna laga dabategay meel fiican bey wax marayaan, waa u aareynaa baan leeyahay, waa u aareynaa, hadii uu Ilaahey idmo," ayuu yiri Muxyadiin.

Ismiidaaminta lagu dilay gudoomiyaha waxaa fuliyey naftii halige isku soo xiray walxo qarxa. Al-Shabaab, xoogaga gacansaarka la leh shabakada argagixisada ah ee Al-Qaacida, ayaa sheegatay mas'uuliyadda.

"Corona-terrorist"

Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad, wasiirka arrimaha gudaha Puntland oo tacsi u diray ehelada, ayaa hoosta ka xariiqay in weerarkaas uusan caqabad ku noqon doonin shaqooyinka xukuumadda.

"Tan ma noqon doonto dhacdo ka curyaamisa dowladda Puntland iyo shacabkeedaba in ay ka shaqeeyaan amniga, in ay iska kaashadaan, balse waxay noqon doontaa mid ku dhiiragelisa," ayuu xusay.

Mr Dhabancad oo sii hadlaya ayaa wuxuu carabka ku adkeeyay in falkaas uu ku hogaamin doono dowladda Puntland "in ay suuliso waxa loo yaqaano Corona-terrorist, hadda aduunka wuxuu la dagaalamayaa Coronavirus, marka waa Corona kale oo argagixoso ah [Al-Shabaab iyo Daacish]".

Is-miidaamintii barxada magaala madaxda ayuu ku adkeystay in uusan Puntland ka weecin doonin dedaalada ay kaga hortegeyso cudurka safmarka ah ee Covid—19.

Alle ha u naxariistee, marxuum Cabdisalaan Xasan Xirsi [Gu'jir] ayaa Isniinta maanta ah waxaa Aas Qaran loogu sameeyay Garowe, iyaddoo ay ka qeybgaleen madax haatan xil sare heysa iyo kuwa horey u soo qabtey.

MUUQAALKA AASKA

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shirweynaha 5-aad ee Golaha Guud ee Ururka Warbaahinta Puntland oo ka furmay Garowe

Madaxwayne ku xigeenka Puntland Ilyaas Cusmaan Lugotoor ayaa daahfuray Shirweynaha oo ay ka qeybgalayaan dhinacyo kala duwan.

  • Puntland

    21-04-2024

  • 11:46AM

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM