Puntland: TPEC oo muddo kordhin kale samaysay

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

GAROOWE, Puntland- Guddiga KMG ah ee doorashooyinka Puntland [TPEC], ayaa mar kale kordhisay waqtiga loogu talo galay in lagu furto ururrada siyaasadda.

Shir Saxaafadeed uu guddigu ku qabtay xaruntiisa magaalada Garoowe, ayuu ku sheegay in siyaasiyiinta iyo shacabka Puntland-ba ogaysiinayo in muddo bil ah lagu daray waqtigii horay loogu talo-galay in la isku diiwaangaliyo.

Guddoomiyaha TPEC, Cabdiraxmaan Diiriye Samatar, oo warbaahinta la hadlayay, ayaa tilmaamay in guddiga isagoo tixgalinaya nidaamka geedi socodka dimuqraadiyadda Puntland uu kordhiyay waqtigan oo markii hore ku ekaa bishii hore ee December, 2017.

“Guddigu isagoo tix gelinaaya geedi socodka nidaamka xisbiyada badan ee Puntland wuxuu go’aan ku gaaray in uu fursada dheeraad ah siiyo daneeyayaasha siyaasada puntalnd. Sidaa darteed Guddigu waxa uu go’aansay in uu wakhtiga diiwaan gelinta ku daro mudo hal bill ah oo ka billabmaysa 3/Janaury/2018 kuna eeg 3/feberaury/2018.”sidaas waxaa yiri Guddoomiye Cabdiraxmaan Diiriye Samatar.

Isagoo sii hadlaya Guddoomiyaha Guddiga KMG ah ee doorashooyinka Puntland wuxuu sheegay, “Guddigu wuxuu garowsaday in ilaa hada ay is diiwaan geliyeen 4 urrur siyaasadeed oo kala ah (Gar-soor, Umadda, Ubax iyo Himilo).”

TPEC, ayaa sidoo kale ka codsatay in ururradii horay isu diiwaangaliyay in ay soo dhammaystiraan shuruudihii looga baahnaa.

“Guddigu wuxuu ku dhiiri gelinayaa urruradii horay isu diiwan geliyey in ay soo dhamays tiraan shuruudihii looga baahna. Sidoo kale Guddigu wuxuu fursad siinayaanaa siyaasiyiinta danaynaysa in ay urruro siyaasaded furtaan.” Sidaas waxaa war-saxaafadeedkiisa ku sheegay Guddoomiyaha TPEC.

Sidoo kale Guddiga, ayaa sheegay in 28/Feberuary/2018 guddigu bilaabi doono kala xulista ururrada is-diiwaangaliyay iyo kuwa aan wali is-qorin, “ Guddigu waxa uu ku war gelinayaa urrurada siyaasada Puntland ee is-diiwaan geliyey iyo kuwa doonaya in ay is-diiwaan geliyaanba in 28/Feberuary/2018 Guddiga bilaabi doono in uu hubiyo in urrurada siyaasada ee is-diiwaan geliyey ay buuxiyeen shuruudaha sharciga ah ee looga baahnaa.”

10/01/2018, guddigan ayaa kulan is-barasho iyo is-xog waraysi ah ku casuumay ururrada siyaasadda, kaasoo ka dhici doonta xarunta dhexe ee TPEC ku leedahay magaalada Garoowe, sida uu sheegay Guddoomiye Cabdiraxmaan Diiriye.

“Guddigu wuxuu ku war gelinayaa urrurada siyaasada ee is-diiwan geliyey in guddigu ku casumay 10/01/2018 kulan is-barasho iyo is-xog waraysi ah, Kulanku waxaa uu ka dhici doonaa xarunta dhexe ee guddiga ee Guddiga KMG ah ee Doorashooyinka Puntland ee magaalada garoowe sacaadu marka ay tahay 09:00 am.” Ayaa lagusoo gaba-gabeeyay war-saxaafadeedka Guddiga doorashooyinka Puntland.

Muddo kordhintan oo noqonaysa tii 4aad ee Guddigan sameeyo mudadii uu jiray ayaa noqon doonta tii ugu dambaysay, waxayna kusoo beegantay xilli 1 sano oo kaliya ay u hartay xukuumadda hadda jirta.

Shacabka Puntland ayaa horay walaac ugu muujiyay in waqtiga u haray dowladda lagu gaari karo doorasho cod iyo qof ah, waana tan keentay in siyaasiyiin badan ka gaabiyaan inay samaystaan ururro siyaasadeed, xilli dowladda dhinaceed uu ka muuqdo gaabis ah inaysan taageerayn nidaamkan oo mar is-hortaag lagu sameeyay xilligii dowladda Farole. 

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shirweynaha 5-aad ee Golaha Guud ee Ururka Warbaahinta Puntland oo ka furmay Garowe

Madaxwayne ku xigeenka Puntland Ilyaas Cusmaan Lugotoor ayaa daahfuray Shirweynaha oo ay ka qeybgalayaan dhinacyo kala duwan.

  • Puntland

    21-04-2024

  • 11:46AM

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM