​Safarka xeer ilaayaha Somalia ku joogo Garowe {Warbixin}

Image

GAROWE- Waxaa dhawaan soo gaaray magalada Garowe xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka Somalia Axmed Cali Daahir oo uu weheliyo Taliyaha ciidanka Asluubta Dowladda Federalka Bashiir Goobe, iyagoo si weyn loogu soo dhaweyay caasumadda booqashooyin kala duwana sameeyay.

Xeer ilaaliyaha ayaa xarunta Puntland u yimi arrimo kala duwan, waxaase dowladda oo aan wax ka weydiinay noo sheegtay inuu ka qayb galayay tababar ku saabsan qaabka loo kormeero xabsiyada oo ay qabanaysay hay'adda UNODC.

Wasiirka Cadaaladda Puntland Saalax Xabiib oo Radio Garowe la hadlay, ayaa sheegay in xeer ilaaliyuhu uusan u imaan arrimo siyaasadeed, balse lagu casuumay shir labo maalin qaatay oo looga hadlayay xaaladda xabsiyada iyo sida loo booqdo, isagoo intaasi ku daray in kormeerka uu ku tagay Jeelka weyn ee Garowe tahay tababarkii la siinayay.

Saalax, oo wax laga weydiiyay eedaymo loo soo jeediyay xeer ilaaliyaha oo ku aadan is-hortaag mashaariic hay'adda UNODC ka fulin lahayd deegaanada Puntland, ayaa sheegay inuusan ogayn balse dowladdu raadin doonto cadaymo hadii lagu helana lagula xisaabtami doono.

Wasiirka oo sidoo kale ka hadlay safarkan iyo xilliga uu kusoo beegmay, wuxuu tilmaamay inaysan meesha oollin arrimo siyaasadeed halka labada dhinac kala joogaanna la ogyahay, balse ka wada xaajoodeen qorshayaasha Xamar kasocda iyo sidii deeqaha magaca Somalia lagu soo qaato si siman loogu qaybin lahaa umadda Somaliyeed.

Axmed Cali Daahir oo lagu eedeeyay inuu qoray waraaq uu ku dalbanayo in mashaariicda hay'addaasi ee Puntland lasoo marsiiyo magalada Muqdishu, ayaa keentay inuu khilaaf soo kala dhexgalo isaga iyo madaxa hay'adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Mukhaadaraadka iyo Dambiyadda Alan Cole.

Dhex dhexaadin arrintaasi laga sameeyay ayaa keentay in Axmed Cali Daahir loo ballan qaado ka qayb galinta shirarka hay'addu qabato ha ahaadeen kuwa khuseeya iyo kuwa ka madax baanaanba, si meesha uga baxdo xanibaad lagu sameeyo mashaariicda loo wado Puntland.

Wixii hishiiskaasi ka dambeeyay xeer ilaaliyaha ayaa u safray waddamo kala duwan oo goob joog ka noqday shirar hay'addu waday.

Halkan ka akhri qoraal agaasimaha la dagaalanka Burcad badeedka Puntland Cabdirizaq Duceysane ka  qorey booqashada Xeer ilaaliyaha Somalia isagoo ku faafiyey bartiisa Facebook.


GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo kalitalisnimo ku eedeysay madaxda federaalka

Madaxweyne Ku-Xigeenka dowladda Puntland ayaa si kulul uga hadlay hanaanka dowladnimo ee Soomaaliya,

  • Puntland

    15-04-2024

  • 11:33AM

Ciidamada Badda Puntland oo “ka hortagay” qorsheyaal abaabulan

Ciidanka ayaa si adag u dardargeliyey sugidda Amniga xeebaha Badweynta Hindiya ee Puntland.

  • Puntland

    15-04-2024

  • 05:29AM