Sarkaal eedeymo u soo jeediyey maamulka sare ee ciidamada PSF [DAAWO]

Image

GAROWE- Sarkaal ka soo shaqeeyey ciidamada PSF oo magaciisa la yiraahdo Gashaanle Maxamad Muxiyadiin Salaad ayaa video uu iska duubey oo soo gaarey warqabadka Garowe Online ayaa waxaa uu sheegey in dhibaatooyin kasoo gaareen xiligii uu kamid ahaa ciidamadaan.

Sarkaalkaan ayaa Video gaaraya 8 daqiiqo oo uu iska soo duubey waxaa uu ku sheegey in lug kaga go'adey dagaalada ciidamadaan kaga jiraan buuraha Galgala sanadkii 2015 balse ma sheegin inta uu hadlayey in xuquuq ka maqan tahay.

" Waxaan ahay sarkaal kasoo shaqeeyey ciidamada Puntland gaar ahaan ciidanka PSF, magaceyga iyo darajadeyda waa Gashaanle Maxamad Muxiyadiin Salaad, waxaan ku dhaawacmey buuraleyda Galgala 2015 bishii kowaad, subaxnimo Jimce ah, waxaan waayey lugteyda Midig, maanta waxaan media u soo fariistey in aan cadeeyo wax badan oo wadanka ka jira ama ciidanka PSF ka jira ama maamulkaas qabyaalad ku saleysan ka jira dadkuna ka aaminsan yahay wax kale." ayuu yiri Askarigaan isagoo horfadhiya Video laga duubayo.

Warsidaha Garowe Online uu xaqiijiyey sarkalkaan ayaa ogaadey in loogu yeero Maxamad Case, waxaana sanadkii 2009 ciidamada PSF uu kaga soo biirey gobolka Mudug.

Maxamad Case ayaa sheegey in ciidankaan gudihiisa iyo maamulkiisa ka jiraan musuqmaasuq iyo tacadiyo loo gaystey askarta ka tirsan PSF isagoo sarkaalka xakuma "Asad" ku eedeyey maamul xumada ka jirta ciidamadaan.

Sarkaalkaan ayaa sheegey in maamulka ciidamadaan uu gacanta ugu jira hal qoys islamrkaana hogaankiisa gacanta ku hayaan rag walaalo ah kuwaasoo isaga hooseeya xilalka ugu muhiimsan PSF.

"Asad cismaan Diano waa agaasimaha guud ee ciidamada PSF, walaalkiis Maxamud Cismaan waa agaasime ku xigeenka guud ee ciidanka PSF islamrkaana ah agaasimaha waaxda Galkacayo ee PSF, waxaa kale oo ku xigeen ka ah Galkacayo Abtigiis baariyow, walaalkiisa kale waa agaasinka mamaulka lacagta iyo maareynta, maamulka ciidankaan waa mid ay ka maqan tahay sharftii ciidanimo," ayuu yiri sarkaalkaan horey uga tirsanaan jirey ciidamada PSF.

Askarigaan ayaa sheegey inuusan jirin sarkaal darajo leh oo ciidankaan ka tirsan isagana kamid ahaa sababtuna waxaa weeye looma ogola.

" Miyaad aragteen sarkaal ciidanka PSF ka tirsan weli darajo leh oo meel taagan why, ciidamada Puntland ayey kamid yihiin ciidamada PSF, maxaa darjo u diidey, anaa idiin sheegaya, hadda anigu darajo ayaan lahaa darajada aan lahaa waxay ku jirtaa Asad Cismaan boorsadiisa, waxaa dhacda in saraakiil ka tirsan ciidankaan darjo markii hore laga xereeyey loo xiro markey ka qayb galayaan kulamada ay leeyihiin laamaha amniga magaalada Boosaaso kadib markey kasoo noqdaan ayaa laga furaa darajada," ayuu sheegey Maxamad Case mar uu ka hadlayey qaabka la isu xakumo ciidamada PSF.

Gashaanle Maxamad Muxayadiin ayaa sheegey in talaabooyinkaan iyo kuwo lamid ah ay sababeen in ciidamada PSF dadkii macnaha laha isaga tagaan kuwaasoo meel walba ku kala firiqsan.

" Dhaqaalaha ciidamada PSF kasoo baxa in ka badan 60% waxaa iska leh qoyskaan oo maamula ciidankaan, iyadoo falalkaan lagu khiyaamo dalka mareykanka oo bixiya kharashka ku baxa ciidankaan," ayuu Gaashaanle Maxamad Case sheegey isagoo hadalkiisa ku sii jira.

Sarkaalka ayaa sheegey in dambiyada ka dhaca ciidamada PSF laga qariyey indhaha dalka Maraykanka iyo maamulka dowlada Puntland isagoo baaq u direy dhamaantood uu ku sheegayo in xuquuqda ciidankaan maqan tahay.

Ciidamada PSF ayaa waxa ay ka tirsan yihiin xoogaga amniga maamulka Puntland oo dagaal kula jira kooxaha Al-Shabaab ee ku dhumaaleysta buuraleyda Galgala, waxayna tageero milatari iyo mid dhaqaale ka helaan dowlada Mareykanka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Booliska Puntland oo lagala hadlay ka hortaaga xaalufinta deegaanka

Isku xirnaanta Wasaaradda Degaanka iyo Isbedelka Cimilada iyo Hogaanka Booliska ayaa sidoo kale looga hadlay shirkan.

  • Puntland

    27-03-2024

  • 04:28AM

Qardho: Mashruuc horseeday jarista dhir baaxad leh oo laga digay

Wasaaradda deegaanka iyo Isbedelka Cimiladda ee Puntland ayaa ku baaqdey in degdeg loo joojiyo jarista dhirtan.

  • Puntland

    26-03-2024

  • 01:41PM