Sarkaal ka tirsanaa ciidamada Puntland oo Bosaso lagu diley

Image

May 3, 2015 (GO)- Sarkaal ka tirsanaa ciidamada ammaanka Puntland ayaa caawa lagu diley magaalada Bosaso ee xarunta gobolka Bari.

Labo nin oo bistoolado ku hubeysnaa ayaa abbaare 7:00 fiidnimo isgoyska Xalwo Banaadir ku toogtey sarkaalkaas oo lagu magacaabi jirey Maxamuud Axmed Dheere.

Dableyda dilka geysatey oo aan ilaa iyo hadda haybtooda la aqoonsan, waxaa u suurtagashay inay durbadiiba baxsadaan.

Goobta dilku ka dhacay oo ku dhow suuqa Bosaso ayaa ah meesha ugu mashquulka badan guud ahaan magaalada.

Afar maalmood kahor ayey ahayd markii bam-gacmeed lagu tuurey bar-kantarool oo ay ku sugnaayeen ciidamo ka tirsan ilaaladda dekedda Boosaaso.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Deni oo Caddeeyay Mowqifka Puntland ee ku Aaddan Xaaladda Dalka iyo Arrinta Midnimada

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in sababta Puntland loo aasaasay ay ahayd in ay jirto…

  • Puntland

    12-01-2026

  • 05:46AM

Gaalkacyo: Dowladnimo, Amni iyo Horumar ku Jira Imtixaan Adag

Su’aasha isweydiinta mudan ayaa ah: maxaa Gaalkacyo ka dhigaya mid u nugul qabsashada…

  • Puntland

    09-01-2026

  • 03:43PM