Shilin Somaliga lagu daabacey Bosaso oo mushahar lagu bixiyey

Image
Image

25 August, 2015 (GO)- Magaaada Bosaso ayaa lacag Shilin Somali ah oo ay daabceen ganacsato heshiis la gashey madaxweyne Gaas ayaa maalintii shaley iyo maanta lagu baxshey mushaharaadka ciidamada iyo shaqaalaha rayidka ah ee Puntland.

Lacagtaan oo uu sawiro kasoo qaadey wariyaha GO ayaa la keenly suuqa lacagta magaalada Bosaso.

Dowlada Puntland ayaa maalmahaan ka digeysay lacago kale oo Shilin Somali Faalso ah ee soo galey suuqyada magaalooyinka Galkacayo, Bosaso iyo Garowe in shacabka iska ilaaliyaan oo aysan isticmaalin.

Daabacada lacagtaan ayaa xanuunka hore ka fujineysa shaqaalaha dowlada Puntland oo tobanaan bilood qaadan mushaharaad balse xeeldheerayaasha dhaqaalaha ayaa sheegaya in sicir barar abuuri doonto iyadoo suuqyada soo gali doonaan lacago kale ee Faalso ah.

Xogogaal magaalada Nairobi ku sugan ayaa GO u sheegey in talaabada dowlada Puntland qaadey keeni karto in Bangiga aduunka joojiyo tageerada dhaqaale uu qorsheynayey inuu siiyo Puntland madaama siyaasad lagu soo saarayo lacago sharci daro ah xukuumada madaxweyne Cabdiweli ku talaabsatey. 

Sarifka suuqa lacagta dollarka magaalooyinka Puntland ayaa marayey maalintii shaley 2170,0000 Sh.So ah in lagu sarifo 100USD halka uu saaka lagu kala qaadanyey 2200,000 Sh.So boqolkii dollar.

Warsidaha Garowe Online ayaa joogto idinla socodsiin doona dhaqdhaqaaqa sarifka lacagta magaaoyinka Puntland maalmaha soo socda.

GAROWEONLINE

Related Articles

Shirweynaha 5-aad ee Golaha Guud ee Ururka Warbaahinta Puntland oo ka furmay Garowe

Madaxwayne ku xigeenka Puntland Ilyaas Cusmaan Lugotoor ayaa daahfuray Shirweynaha oo ay ka qeybgalayaan dhinacyo kala duwan.

  • Puntland

    21-04-2024

  • 11:46AM

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM