Soomaaliya: Senator Faroole iyo Danjire Keating oo Garoowe ku kulmay [Daawo]

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

GAROOWE, Puntland- Danjiraha Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, Michael Keating ayaa booqasho gurigiisa ugu tagay Senator Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Maxamuud Farole oo kamid ah Mudanayaasha Aqalka Sare ee dowladda Federaalka Soomaaliya.

Senatorka iyo Danjiraha ayaa kawada hadlay arrimo dhowr ah oo ku aadan xaaladda Soomaaliya, khilaafka maamul goboleedyada iyo DFS, xiisadda ka taagan gobolka Sool, Amniga iyo Doorashooyinka la filayo inay ka dhacaan Puntland iyo Soomaaliya intaba.

Kulanka oo qaatay ku dhawaad Hal saac ayaa markii uu soo dhammaaday waxaa ka warbixiyay Senator, Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Maxamud Farole, kaasoo sheegay inay wada-hadalkooda diiradda ku saareen xaaladaha ka jira dalka islamarkaana uu ka siiyay wixii talo galyo ah ee kaga aadan wax ka qabashadooda.

“Waxaa gurigayga iigu yimid oo aan la kulmay Wakiilka Qaramada Midoobey ee Soomaaliya, Michael Keating ahna Madaxa UNSOM, oo halka safar ku yimid oo isoo maray,”ayuu yiri Farole.

Wuxuu sheegay Arrimaha ay kawada hadleen inay ahaayeen kuwo Danjiraha ku hayay wal-wal oo ay ku jirto xiisadda ka taagan gobolka Sool, “Arrimaha uu u socday-na waan kawada hadalnay oo ku saabsanaa arrimo wal-wal siyaado ah ku hayay oo ah dhibaatada ka taagan gobolka Sool, amniga, khilaafka u dhaxeeya Dowladda Federaalka iyo dowladaha xubnaha ka ah, arrinta gobolka oo dhan sida ay u saamaysay arrimaha Khaliij-ka, doorashooyinka soo socda sida ay noqon doonaan ama ha ahaadeen mid goboleed ama mida Soomaaliya guud ahaanba waqtigeeda, waxyaabahaas ayaan kawada hadalnay,” ayuu yiri Senator-ku.

Farole, wuxuu sheegay in Danjiruhu uu aad uga walaacsanaa in dalka Soomaaliya uu dib ugu laabto colaado sokeeye, xilli waddanku uu ku jiro soo kabasho.

“Wal-wal wayn ayuu ka qabay in Soomaaliya uu kasoo cusboonaado dagaal kale, aad buu wal-wal uga qabay maanta Garoowe ayuu yimid barina Hargaysa ayuu tagayaa,” ayuu hadalkiisa kusii daray Senator Cabdiraxmaan Farole.

Cabdiraxmaan Farole ayaa xusay in wixii talo ah ee uu siin karay Danjiraha siiyay si wax looga   qabto arrimaha taagan maadama uu yahay mas’uul katirsan dowladda Federaalka iyo Oday waxbadan kala socday arrimaha Soomaaliya.

“Oday madax ka ahaan jiray meeshan waan ahay hadana kamid ah dowladda Federaalka Soomaaliya Barlamaankeeda Aqalka Sare, wixii fikrad, waayo aragnimo ah ee ah mudadii aan halkan ka shaqaynayay iyo wixii soo aadan wixii aan ka oran karay waan iri, halkan kuma soo koobi karo dhammaan waxaan kawada hadalnay, laakiin dhammaan danaha Soomaaliya ayay ahaayeen, nabadgalyadooda, mashaariicda hormarineeda dariiqyada loo mari karo, in dadkii dib la isug soo cesho oo la heshiisiiyo, iyo in la heshiisiiyo dowladda Federaalka iyo dowladaha xubnaha ka ah, maadama uu yahay mas’uul hadda ka jooga beesha caalamka,” ayuu hadalkiisa kusii daray Farole.

Booqashada Keating ee Garoowe ayaa timid xilli dhaq-dhaqaaqyo ciidan laga dareemayo degmada Tukaraq ee gobolka Sool, halkaasoo ay isku hor-fadhiyaan ciidamo tan iyo horaantii sannadkan.

Danjiraha ayaa la kulmay Madaxweynaha Puntland, Cabdiwali Cali Gaas, wuxuuna barri aadi doonaa magaalada Hargaysa oo uu kula kulmi doono Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi.

Socdaalkiisan ayaa lala xiriirinayaa sidii uu ugu kala dab qaadi lahaa labada dhinac islamarkaana u muujin lahaa sida beesha Caalamka uga soo horjeedo colaad mar kale ka qaraxda dalka Soomaaliya. 

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shacabka Garowe oo loogu baaqay ilaalinta kanaalada biyuhu maraan

Howlgalka xalay ayaa laga sameeyay waddada laamiga ah ee Globol iyo waddada Sagal.

  • Puntland

    16-04-2024

  • 05:26AM

Puntland oo kalitalisnimo ku eedeysay madaxda federaalka

Madaxweyne Ku-Xigeenka dowladda Puntland ayaa si kulul uga hadlay hanaanka dowladnimo ee Soomaaliya,

  • Puntland

    15-04-2024

  • 11:33AM