Taliyaha Booliiska Puntland oo Xabsi Gurri la Galiyey

Image

GAROWE, Puntland - Taliyaha Booliiska Puntland Cabdulqaadir Farax Shire Ereg ayaa waxaa la galiyey Xabsi guri kadib markii habeenkii xalay rasaas uu ka ridey goob ay ku shireysay madaxda amniga la beegsadey Gudoomiyaha gobolka Nugaal halka ay dhaawac soo gaarsiisey ku xigeenka Booliska.

Dowlada Puntland oo aan war rasmiya kasoo saarin ayaa wararka Garowe online soo gaaraya sheegayaan in amar shaqada looga joojinayo Taliyaha Booliska Puntland islamrkaana xabsi Gurri galiyey.

Shilkaan oo ku soo beegmey xilli Madaxweynaha Puntland isu diyaarinayo safar uu ku aadayo caleemo saarka Madaxweynaha maamulka HirShabeele maalinta Isniinta ayaa wararku sheegayaan in uu jiro qorshey ah in baarista dhacdadaan loo saari doono guddi.

Taliyaha Booliska Puntland ayaa horey shaqada waxaa ugu joojiyey Madaxweyne ku xigeenka balse waxaa shaqada dib ugu soo celiyey Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamad Cali Gaas.

Cabdulqaadir Farax Shire Ereg ayaa kamid ah dadka wadanka dibadiisa shaqada kasoo doontey isagoo shaqooyin dhinaca Booliska ah ka qaban jirey dowladii Maxamad Siyaad Barre.

Sanadkii hore 2016 ayaa is-raaseyn dhexmartey saraakiisha Booliska Puntland waxaa ku dhaawac culus kasoo gaarey Wasiirkii amniga Cabdi Xirsi Qarjab.

 

Related Articles

Shacabka Garowe oo loogu baaqay ilaalinta kanaalada biyuhu maraan

Howlgalka xalay ayaa laga sameeyay waddada laamiga ah ee Globol iyo waddada Sagal.

  • Puntland

    16-04-2024

  • 05:26AM

Puntland oo kalitalisnimo ku eedeysay madaxda federaalka

Madaxweyne Ku-Xigeenka dowladda Puntland ayaa si kulul uga hadlay hanaanka dowladnimo ee Soomaaliya,

  • Puntland

    15-04-2024

  • 11:33AM