​Tedros oo kusoo wajahan Garowe

Image

GAROWE- Wararka uu helayo warsidaha Garowe Online ayaa sheegaya in maalinta barri ah Axad 03-04-2016, magaalo madaxda Puntland ee Garowe kusoo wajahan wasiirka Arrimaha Dibadda Ethiopia Dr Tedros Adhanom kaasi oo qayb ka ah wafdi uu hogaaminayo Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Somalia M.Keating.

Socdaalka wafdigan ayaa la xiriirta shirarka looga hadlay 4.5 kaasi oo muddo ku dhaw asbuuc looga arrinsanayo Garowe walina aysan jirin wax natiijo rasmi ah oo kasoo baxay.

Mas'uuliyiintan imaanaya marka laga reebo wasiirka Ethiopia kasocda, waxay dhammaantood horay u yimaadeen caasumadda Puntland iyagoo ka qayb galay kulamo caynkan ah oo ay la yeesheen bulshada qaybaheeda kala duwan iyo golayaasha dowladda iyagoo kala hadlay aragtidooda ku aadan nidaamka lagu salaynayo doorashada Somalia ka dhacaysa 2016, waxaana maxsuulkii usoo baxay noqday in lagu gacan sayro rabitaankoodi ahaa in loo hogaansamo qaadashada 4.5.

Balse socdaalkoodan, ayaa xogaha aan helayno sheegaysaa inay ka duwantahay kii hore, waxaana la filayaa inay qayb ka noqdaan wafdigan arrimo la sheegay in labada dhinac ku hishiiyeen iyo dhammaystirka qodobo labada dhinac wali ku kala aragti duwanyihiin.

Majirto war rasmi ah oo sheegaya in Puntland qaadatay habka wax ku qaybsiga beelaha, balse warar hoose ayaa xusaya in waxyaabo badan labada dhinac isku waafaqeen islamarkaana waxaa la filayaa in wafdigaasi kadib laga soo saaro warmurtiyee ka hadlaya waxyaabihii laga wadahadlay iyo go'aamada soo baxay.

Dhinaca kale shacabka Puntland qaybihiisa kala duwan ayaa wali taagan mowqifkii ahaa inaan laqaadan 4.5, waxaana hadal haynta ugu badani tahay in nidaamkaasi aan la qaadankarin madaama kulamadii hore lagu diiday beesha caalamkana loo faahfaahshay waxyaabaha lagu nacay.

Intii kulamadani socdeen majirto war rasmi ah oo dhinaca dowladda kasoo baxay kaasi oo lagu baahinayo hadba kulamada socda meesha ay marayaan, waxaana taasi keentay in tuhun badan muujiyaan dadka siyaasadda odorasa iyo shacab weynaha Puntland.

Qaar kamid ah odoyaasha dhaqanka oo la hadlay Radio Garowe, ayaa si cad u tilmaamay inaysan dhaqan ahaan qaadan doonin 4.5 hadii xitaa labada dhinac isku waafaqaan, iyagoo arrintaasi ku tilmaamay mid aan dhici karin, muhiimaduna tahay oofinta ballantii iyo axdigii la qaatay.

Dooda ku saabsan 4.5-ka loo marayo dhismaha Barlamanka Somalia, ayaa soo taagnayd muddooyinkii dambe, waxaana arrintaasi timi kadib markii maamullada dalka hogaamiyaashooda iyo madaxda dowladda dhexe ee Federalka keeni waayeen nidaam rasmi ah oo loo mari karo doorashada 2016, waxayna ku soo aadaysa xilli doorashadii dalka ka harsantahay waqti kooban oo ku siman 4 bilood, waxaana dowladda dhexe horyaalla shaqooyin badan iyadoo horay beesha caalamku u sheegtay in xukuumadda madaxweyne Xasan Sheekh aysan samayn karin wax muddo kororsi ah.

GAROWEONLINE

Related Articles

Shirweynaha 5-aad ee Golaha Guud ee Ururka Warbaahinta Puntland oo ka furmay Garowe

Madaxwayne ku xigeenka Puntland Ilyaas Cusmaan Lugotoor ayaa daahfuray Shirweynaha oo ay ka qeybgalayaan dhinacyo kala duwan.

  • Puntland

    21-04-2024

  • 11:46AM

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM