Senator Faroole oo eedeyn culus u jeediyey madaxda DF Soomaaliya

Image

GAROWE, Puntland – Senator Cabdiraxmaan Faroole oo si adag u cambaareeyay go'aankii la isku khilaafay ee Golaha Shacabka baarlamaanka federaalka kasoo saarey metelaada gobolka Banaadir ayaa ku sifeeyay "sharci darro".

Madaxweyne Farmaajo, afhayeenka Aqalka Hoose, Maxamed Mursal Cabdiraxmaan, iyo xulafooda ayuu ku eedeeyay in ay ka dambeeyaan xadgudubkaas lagu sameeyay dastuurka ku meelgaarka ah ee dalka.

Xeerkaan oo kamid ah afar kale oo kala ah; Asteynta kuraasta baarlamaanka, qoondada haweenka iyo gobolada waqooyi ayay dowladda iyo maamulada isku raaceen in la joojiyo, balse waxaa heshiiskaas jebisay xukuumada.

Saddex kamid ah xeerarkaan ayaa la meelmariyey kadib is-afgaradka dowladda iyo maamulada, waxaana ay arrintaas mugdi gelineysaa qabsoomida shirka uu Farmaajo ku casuumay madaxda dowlad goboleedyadda.

Isagoo Farmaajo ku dhaliilay in uusan aqoon-saneyn jiritaanka Senate-ka, Faroole oo "meel ka dhac" ku tilmaamay xeerka la meelmariyey ayaa ku adkeystay in aan la aqbali karin "bomb-bada uu Farmaajo dadka ku dhex-tuuray".

"Waxaan nasiib darro ah bombo in [Farmaajo] uu ku dhex-tuuray oo ah wax waqtigeeda lala sugayey ama qaarba lasoo dhaafay oo ah Aqalka Sarre oo maanta aan waqtigeeda la joogin ama in lasoo dhaafay oo jirtay oo uusan waxba la qaban in uu yiraahdo Muqdisho oo afarta koono dhexda kaga xiran yahay oo Jaziirad kaga nool yahay oo la yiraahdo qayb kamid ah degmada Wardhiigley, halkaasna uusan soo dhaafin oo xafladaha uusan tagi karin in uu dadka bomb-o dhex-dhigo oo inta aan garan kareyn dhibaatada uu geysan karo, in siyaabo badan oo aan sheegeyn oo caadifadeysan oo markaa sacabta u tumaan oo in ay wax u qabteen ka dhigaan, meel ka dhac weyn bey ku tahay Umadda Soomaaliyeed dhamaanteeda," ayuu Faroole kaga dhawaajiyey shir jaraa'id.

Farmaajo ayaa dhowr munaasabadood uga qaadey kuwa qaarna goobahooda loo qorsheeyay looga soo bedelay sabab amni darteed iyo cabsi laga qabo weeraro ay ku ekeeyaan maleeyshiyaadka Al-Shabaab.

Maqaamka Muqdisho oo ka horeeya metelaada gobolka Banaadir isla markaana dastuurka qeexayo in labada aqal ay qaraar kasoo saarayaan ayuu tibaaxay in ay saldhig u tahay dib u heshiisiin guud oo loo sameeyo bulshadda.

Faroole oo soo hadal-qaadey qoraalkii afhayeenka Aqalka Sarre ee ku aadanaa in la bedelay xeerarka doorashooyinka ee guddiyadda wadajirka soo diyaariyeen ayaa sheegay in madaxda dalka ay arrintaan dano ka leeyihiin.

"Dalkii god buu ku socdaa, madaxweynihii loo doortay in uu dastuurka difaaco baana ku ridaya, waxaana uu kula shuraakoobay hogaankii gobolka Shacabka," ayuu raaciyey, isagoo adkeeyay in uusan dhici karin shirka lagu balamay in ay yeeshaan madaxda dowladda federaalka iyo maamulada dalka.

Ugu dambeyntii, Faroole oo sheegay in uu taageerayo qoraalkii Aqalka Sarre kasoo saarey xeerarka doorashooyinka ayaa ku garab istaagay dowlada Puntland in ay ku dhaqanto shuruucdeeda inta xal looga helayo arrimaha hadda taagan.

MUUQAALKA FAROOLE

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shirweynaha 5-aad ee Golaha Guud ee Ururka Warbaahinta Puntland oo ka furmay Garowe

Madaxwayne ku xigeenka Puntland Ilyaas Cusmaan Lugotoor ayaa daahfuray Shirweynaha oo ay ka qeybgalayaan dhinacyo kala duwan.

  • Puntland

    21-04-2024

  • 11:46AM

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM