Wariyasha PL oo ka hor yimi xerka saxafada oo la ansixiyay

Image

Dood dheer ka dib Gollaha xeer dajinta dowladda Puntland ayaa maanta meel mariyay xeerka saxafadda oo ay dhowaan wasaradda warfaafinta usoo gudbisay.

Xildhibaano gaaraya 32-mudane ayaa cod gacan taag ah ku meel mariyay xeerkan waxana ugu danbayntii ku dhawaaqay afhayeenka Baarlamaanka oo sheegay goluhu inuu ansixiyeen xeerka ay wasaradda warfaafinta usoo gudbisay.

Wasiirka warfaafinta Puntland Cabdiwali Xirsi Indhoguran oo ka hor hadlay baarlamanka maalintii uu xeerkan hor geynayay ayaa saxafadda dhaleeceeyay kuna tilmaamay inay yihiin kuwo qayru mas'uul ah isla markasna u baahan in lagu dhaqo xeer adag.

Suxufiyiinta Puntland oo ka dib marka la ansixiyay xeerkan shir ku qaatay aqalka gollaha wakiiladda ayaa ka hor yimi xeerka la ansixiyay oo ay ku tilmameen inuu yahay mid aan dalka iyo saxafadda Puntland dan u ahayn.

Gudoomiye ku xigeenka ururka suxufiyiinta MAP Mudane Maxamed Daahir Yusuf "Saalim" ayaa madaxwaynaha ugu baaqay inuusan xeerkan saxiixin maadama uu yahay mid aan matali karin saxafadda oo madaxda wasaradda warfaafinta ay wax ka badal ku sameeyeen.

Xeerka saxda ah ee warbaahinta iyo dowladdii hore ku heshiiyeen ayaa ahaa mid ay isdo marin ku sameeyeen madaxda cusuf ee warfaafinta waxayna sheegeen inay saxafadda Puntland u baahan yihiin in loola dhaqmo qaabka Dowladda Itoobiya oo kale.

"Xeerkan waxa uu ka hor imaanayaa Dastuurka,baarlamaankana wuu ka hoos baxay ,xeerkan ma ahan mid dadka iyo saxafada Puntland dan u ah ma ahan midaan danahayaga ka eegaynay ee wuxuu ahaa mid dan guud ah,balse waxaad moodaa nasiib daro barlamaanka inay hoos galisay wasaradda warfaafinta".

Saxafadda ayaa sheegtay in xeerkan baarlamaanka loo hoos galiyay isla markasna uusan ahayn kii sharciga ahaa ee dhowrka jeer laga dooday oo la wada falanqeeyay.

Qodobada sida carada leh ay warbaahinta ugu xumaadeen ayaa ahaa in lagu soo daray in wariyaha Puntland ku sugan y Aqoonsiga siinayso wasaradda warfaafinta halka markii hore lagu wada heshiiyay in aqoonsiga wariyaha ay bixiso Ururka suxufiyiinta MAP.

Xeerkan qaabkan ah oo ay Baarlamaanku ansixiyay maanta ayaa waxa uu noqonayaa mid ka hor imaanaya shaqooyinka ay hayaan warbaahinta madaxa banaan ee ka howlgasha Puntland.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Booliska Puntland oo lagala hadlay ka hortaaga xaalufinta deegaanka

Isku xirnaanta Wasaaradda Degaanka iyo Isbedelka Cimilada iyo Hogaanka Booliska ayaa sidoo kale looga hadlay shirkan.

  • Puntland

    27-03-2024

  • 04:28AM

Qardho: Mashruuc horseeday jarista dhir baaxad leh oo laga digay

Wasaaradda deegaanka iyo Isbedelka Cimiladda ee Puntland ayaa ku baaqdey in degdeg loo joojiyo jarista dhirtan.

  • Puntland

    26-03-2024

  • 01:41PM