Wasiiro iyo saraakiil ciidan oo booqday Galgala (Sawirro)

Image
Image

October 22, 2014 (GO)-Wafdi wasiiro ah oo ka tirsan xukumadda Dr.Gaas ayaa xalay u hoyday deegaanka Galgala oo dhowaan ciidamada ammaanka Puntland kala wareegeen Al-Shabab.

Wasiiradda booqday Galgala waxay kala yihiin: Wasiirka Xannaanada Xoolaha Cabdullaahi Cali Ducaale, Wasiirka Warfaafinta Isgaarsiinta Hidaha iyo dhaqanka Cabdiweli Xirsi Cabdule Indhaguran, Wasiirka Maaliyadda Shire Xaaji Faarax, Wasiirka Amniga Xassan Cismaan Aloore, Wasiirka Hawlaha guud iyo Gaadiidka Cabdirashiid Maxamed Xirsi iyo Wasiirka shaqada shaqaalaha dhalinyarada iyo Cayaaraha Cabdiraxmaan Sheekh Axmed sidoo kale waxaa wafdigan weheliyay Taliyaha ciidanka difaaca Puntland iyo taliye ku xigeenka ciidanka booliska.

Wasiirka warfaafinta Puntland Cabdiwali Xirsi Indho-guran oo warbaahinta Galgala kula hadlay ayaa sheegay dhulku inuu nabad yahay sidaasi darteedna qoysaskii deganaa looga baahan yahay inay dib ugu soo laabtaan guryahoodii.

Indho-guran waxa uu sheegay saraakiisha ciidanka ee ku sugan Galgala inay kala shireen sidii guud ahaanba haraaga kooxda xiriirka la leh Al-Qaacida ee Al-Shabab looga sifayn lahaa buuraha Galgala isla markasna suurta gal u noqon lahayd sidii maalgashi loogu samayn lahaa Deegaanka Galgala.

Waa markii ugu horaysay tiro wasiiro oo intaa leeg ay booqasho ku tageen deegaanka Galgala ee Gobalka Bari, waxayna arintaan caalamka tusaysaa Puntland in laga nadiifiyay Al-Shabab.

Galgala ayaa la aasasay 1884 sida la sheegayna waa deegaan dalxiiska iyo beeraha ku fiican, dadka degan waxay ku tiirsan yihiin tacabka beeraha iyo xoolaha nool.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Booliska Puntland oo lagala hadlay ka hortaaga xaalufinta deegaanka

Isku xirnaanta Wasaaradda Degaanka iyo Isbedelka Cimilada iyo Hogaanka Booliska ayaa sidoo kale looga hadlay shirkan.

  • Puntland

    27-03-2024

  • 04:28AM

Qardho: Mashruuc horseeday jarista dhir baaxad leh oo laga digay

Wasaaradda deegaanka iyo Isbedelka Cimiladda ee Puntland ayaa ku baaqdey in degdeg loo joojiyo jarista dhirtan.

  • Puntland

    26-03-2024

  • 01:41PM