Weeraro Askar lagu dilay oo ka dhacay Boosaaso iyo wararkii ugu dambeeyay

Image

BOOSAASO, Puntland - Weerar kala duwan oo geystay khasaarooyin isagu jira dhimasho iyo dhaawc, ayaa 24-kii saac ee lasoo dhaafey ka dhacay magaalada Boosaaso, ee xarunta Ganacsi Puntland.

Weerarka hore ayaa dhacay xalay goob Makhaayad ah oo lagu qayilo oo ku taalla kasoo horjeedka Shirkadda Golis, kaasoo lagu dilay labo Askari, sidoo kalena lagu dhaawacay dhowr Askari oo kale, sida goobjooge u xaqiijiyey Warsidaha Garowe Online.

Dabley hubeysan ayaa Askartan ku weerartay goobta ay fadhiyeen, kadibna rasaas oodda uga qaadey, iyadoo ay ka dileen labo Askari, kuwaasoo kamid ahaa ciidamada amaanka Puntland ee ka howlgala magaalada Boosaaso.

Kooxda dilka Askarta fulisay ayaa goobta ka baxsatay kahor inta aysan ciidamada amniga soo garey.

Dil kale oo loo geystay gabar katirsanayd waaxda canshuuraha ee dowladda Hoose ayaa saacadihii hore ee saaka lagu dilay gudaha Suuqa xilli ay ku guda jirtay howlo canshuur aruurin ah.

Sida ay sheegeen Saraakiisha amniga, labo nin oo bastoolado ku hubeysay ayaa fuliyay falkan khaarijinta ah ee lagu dilay Gabadha oo aan wali magaceeda la sheegin.

Dilka gabadhan ayaa kasii horeeyay weerar lagu dhaawacey xalay gabar kale oo la sheegay inay kamid tahay dadka wax-tahriibiya, waxaana dhaawaceeda la dhigay Isbitaalka Boosaaso.

Dilalkan ayaa kusoo beegmaya xilli amniga Boosaaso uu faraha ka baxay, kadib markii ay kusoo kordheen weerarada argagaxisada Kooxaha Al Shabaab iyo Daacish.

Xukuumadda waqtigeedu dhamaadey ee uu hogaamiyo Cabdiweli Gaas ayaa mudadii shanta sano ee ay xafiiska joogtey lagu eedeeyay inay ku fashilantay amniga, iyadoo Puntland ay ka dhaceen weeraro askar iyo saraakiil badan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM