Puntland oo Somaliland ku eedeysay hubka lagu qabtey Barbera

Image

GAROWE Jan 30, 2015 [GO]- Wasiirka amniga dowlada Puntland Xasan Allore oo shir jaraa'id ku qabtey saaka magaalada Garowe ayaa ku eedeeyey in markabka hubka sidey oo ku soo xirtey dhowaan dekada Barbera uu ahaa mid u socdey maamulka Somaliland.

Allore ayaa sheegey in hubka markabkaan saaran iyo gadiidka uu si dhameystiran u galey gacanta Somaliland isaga oo xusey in xadgudub ku yahay cunaqabateynta saarneyd dalka Somalia.

Xasan Allore ayaa sheegey sidoo kale in Puntland ku wargilenyso talaabadaan maamulka Somaliland qaadey dowlada Federaalka Somalia iyo wadamada dariska.

Dhinaca kale Wasiirka amaanka Puntland Xasan Allore ayaa shirkaan jaraa'id ku eedeeyey in dowlada Somaliland gacansaar la leedahay Al-shabaab islamarkaana ka digey in hubkaan gacanta u galo ururkaas.

"Dowlada Puntland waxay ka digeysaa in hubka laga dajiyey Somaliland sababi karo colaad hor leh oo dhexmarta labada maamul." ayuu yiri Wasiirka amlniga Puntland oo hadalkiisa sii wata.

Wasiirka amniga "Allore" oo la waydiiyey su'aasha ah in hubkaan u socdey Puntland ayaa ku jawaabey in maamulkiisu dakado leeyahay kuna soo xiran lahaa balse qalabkaan loo wadey Somaliland si qarsoodi ah iyadoo ra'yi caalamka la qaldayo.

Allore oo wax laga waydiiyey cadeynta u hayaan in maamulka Somaliland xiriirka la leeyahay ururka Al-shabaab ayaa sheegey in madaxda ururkaas iyo xaasaskooda ku nool yihiin Hargeysa islamarkaana haystaan dhaqdhaqaaq xor ah.

"Magaalooyinka ayey ku nool yihiin iyaga iyo xaasaskooda, hesiisyao ayey galeen marar hore, way soo kexeeyaan, way soo galbiyaan, buurta geeyaan, hadeer ugu dambeysay wasiirka madaxtooyada Somaliland "Xirsi" hub iyo ciidan ayuu geeyey buuraha Galgala."

Halkaan ka dhageyso shir saxaafdeedka wasiirka amniga Puntland

Markabka Hubka Sida: 

Wasiirka Arimaha Gudaha Somaliland Cali Maxamed Waran-cadde oo maalmo kahor warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in markabka oo lagu magacaabo MV Shakir una raran ganacsato reer Somaliland ah markii rarka laga dejinayey lagu arkey dhowr gaadiidka dagaalka ee qafilan ah, tobanaan qori iyo rasaas fara badan. 

kkkkWaran-cade wuxuu intaas ku daray in baaritaan lagu wado hubkan iyo cidda iska leh xiliganna su'aalo la weydiinayo kabtanka markabka oo isagu sheegay in shixnadda hubka ah markabka laga soo saarey magaalada Port Sudan.

Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay ayaa sanadkii 1992 Somalia kusoo rogey cuna-qabateyn dhanka hubka ah kadib markii la ridey dowladii militeriga ahayd ee Maxamed Siyaad Barre hoggaaminayey dalkuna galay marxalad fawdo. 

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Booliska Puntland oo lagala hadlay ka hortaaga xaalufinta deegaanka

Isku xirnaanta Wasaaradda Degaanka iyo Isbedelka Cimilada iyo Hogaanka Booliska ayaa sidoo kale looga hadlay shirkan.

  • Puntland

    27-03-2024

  • 04:28AM

Qardho: Mashruuc horseeday jarista dhir baaxad leh oo laga digay

Wasaaradda deegaanka iyo Isbedelka Cimiladda ee Puntland ayaa ku baaqdey in degdeg loo joojiyo jarista dhirtan.

  • Puntland

    26-03-2024

  • 01:41PM