Agaasimayaal Wasiirka Wasaarada Waxbarshada DF magacaabey oo muran dhaliyey

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasiirka Waxbarashada Dowlada Federaalka Soomaaliya Cabdiraxman Daahir Cismaan ayaa magacaabey 9 agaasime waaxeed, talaabadaas oo khilaaf ka dhex abuurtey madaxda sare ee Wasaarada madaama ay ku eedeeyeen Mudane Daahir inuusan kala tashan.

Warsidaha Garowe Online oo la hadlay saraakiil ka tirsan Wasaarada ayey u sheegeen in magcaabista agaasime waaxeedyada ay qaar ka tirsan laga keeney dibada halkii xubnahaan ka imaan lahaayeen shaqaalaha wasaradaan taasoo ay yiraahdeen waxay jabineysaa xeerka shaqaalaha rayidka ah.

" Wasiirku waxaa agaasime waxeedyadaan magacaabey iyadoo aan wax Imtixaan ah loo galin xilalkaan, qodobkaan ayaa xadgudub ku ah Dastuurka taasoo ka horimaaneysa halka xeerka shaqaalaha rayidka ah la jabiyey." ayuu yiri sarkaal ka tirsan Wasaarada oo diidey magaciisa.

Dhinaca kale muranka ka yimid magacaabistaan ayaa ku saleysan in Wasiirka Waxbarshada dowlada Federaalka ah jabiyey nidaamka hay'adaha dowlada Soomaaliya ku dhisanaayeen ee 4.5 isagoo lagu eedeyey in xilalka agaasime waxeeyada kuwa loo yaqaan "A' uu ku magacaabey hal beel kaliya.

Is-qabqabsigaan ayaa imaanaya xilli madaxda sare ee dowlada Federaalka goobaha dadku isugu yimaadaan ka sheega in siyaasadooda ku saleysan tahay la dagaalanka musuqmaasuqa.

Wasaarada Waxbarashada dowlada Federaalka ayaa horey maamul goboleedydu ugu eedeeyeen ineysan kala tashan dejinta Manhajka Waxbarashada iyadoo dhinaca kale saluug laga muujiyey qaabka ay u maamusha deeqaha Waxbaarshada dibada.

Hoos Ka Akhri Liiska Agaasime Waaxeedyada wasiirka Waxbarshada Dowlada Federaalka magacaabey: 

Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya Cabdi Daahir Cismaan wuxuu magacaabay Agaasimayaasha waaxyaha Wasaaradda Waxabrashada oo kala ah :

1) Khadiija Cabdulaahi Jimcaale, Agaasimaha Miisaaniyada iyo Qorsheynta.

2) Maxamed Xasan Mukhtaar, Agaasimaha Xafiiska Manaahij-ta iyo Tayo dhowrka.

3) Muuse Maxamed Axmed , Agaasimaha Waaxda Maamulka iyo Maaliyadda.

4)Axmed Daahir Maxamed , Agaasimaha Waaxda Imtixaanaadka iyo Shahaadooyinka .

5) Maxamuud Axmed Raage, Agaasimaha Waaxda Xiriirka Caalamiga ah iyo Deeqaha Waxbrashada

6)Dr. Cabdishakuur Xasan Fiqi, Agqaasimaha Waaxda Hiddaha iyo Hay'adda Tacliinta Sare.

7) Ismaaciil Maxamed Cali, Agaasimaha Waaxda Xiriirka Maamul goboleedyada iyo Hay'adaha.

8) Hibo Cabdi Kaamil, Agaasimaha Waaxda Horumarinta Macallimiinta.

9) Cabdulcasiis Nuur Maxamed , Agaasimaha Waaxda Xirfadaha iyo Waxbarashada Dadban.

Waxaa ku saxiixnaa Wasiirka Wasaarada Waxbarshada Dowlada Federaalka ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo caddeeyay mowqifkiisa hagaajinta xiriirka Puntland

Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa faafisay qoraal kasoo baxay madaxweynaha dowladda federaalka.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 03:37AM

Shirka Maalgashiga Soomaaliya oo ka bilowday magaalada Muqdisho

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa furay shirkan oo socon doono labada maalin soo socota.

  • Soomaliya

    24-04-2024

  • 12:41PM