Ajaaniibta ku sugan Soomaaliya oo la tirakoobayo [Sawirro]

Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Kulankii todobaadlaha ahaa ee Gollaha Wasiiradda xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, kaasoo uu shir-gudoomiyay Ra'iisul Wasaare Xasan Cali Khayre maanta oo Khamiis ah ayaa laga soo saarey go'aano.

- Amniga -

Qodobadda shirka kasoo baxay ee ugu muhiimanaa waxaa qayb ka ah in la faray laamaha amaanka ee dowladda inay dar-dar geliyaan sugitaanka amniga iyo howlgaladda lagu sugayo amniga.

Wasaaraddaha Amniga iyo Difaaca, ayaa soo bandhigay qorshayaal ay ku doonayaa inay ku xasilyaan amniga caasimadda, kaasoo maalmihii udambeeyay ahaa mid ay ka dhacayeen falal liddi ku ah amniga.

Wasaaraddaha xukuumadda ayaa la faray inay dhaqan-geliyaan sharciga Iibka qaranka, kaasoo horey usoo gudbisay Wasaaradda Maaliyadda, marka ay galayaan qandaraasyo kala duwan.

- Tira-koobka ajaaniibta -

Ajaaniibta ku sugan dalka ayaa la amray in lagu sameeyo tiro koob rasmi ah si loola socdo dhaqdhaqaaqyadda ay ka wadaan gudaha dalka, maadaama ay haatan soo badanayaa Shisheeyaha dalka imaanaya.

Guddi uu hogaaminayo Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed, ayaa loo magacaabay inuu soo tira-koobo tirada ajnabiga ah ee ku sugan dalka, iyadoo xukuummadda kusoo celinayaan natiijada kasoo baxda baaritaankooda.

Tallaabadan ayaa timid markii la arkay korarka ajaaniibta kusoo qulqulaysa Muqdisho, kuwaasoo degay gudaha xarunta Xalane, oo ah meel amni ah oo saldhig u ah AMISOM iyo safaaradaha reer galbeedka.

Ugu dambeyn, Gollaha ayaa waxa uu ka hadlay hanaanka cadaaladda dalka, kaasoo isbedalo la kala duwan lagu sameeyay, inkasta oo ay jiraan dad Soomaaliyeed oo cabashooyin ka dhan ah hanaanka cadaaladda dalka tabanaya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

XOG : Maxaa Keenay Dib U Dhaca Kulanka Madaxda Soomaaliya?

Casumaadda degdega ah ee kulanka ayaa timi kadib markii warsidaha…

  • Soomaliya

    20-04-2024

  • 02:40AM

Midowga Yurub oo ansixiyey $116.9 milyan loogu talagalay Soomaaliya

Qeyb kamid ah lacagtan ayaa waxaa la sheegay in ay heli doonan ciidamadda ATMIS.

  • Soomaliya

    18-04-2024

  • 10:11AM