Al-Shabaab-ka Galgaduud oo loo hanjabey

Image

CADAADO, Soomaaliya - Xoogaga Al-Shabaab ayaa tuuladda Galqoryaale ee gobolka Galgaduud ee Bartamaha Soomaaliya ku afduubtay in ka badan 70 Odayaal, sida ay sheegeen dadka degaanka halkaasi ku nool.

Xariga Odayaasha ayaa yimid kadib markii ay ka biyo diideen inay bixiyaan Magta dil horey u dhacay iyo inay kasoo horjeestay qisaasta ruuxa falka geystay, sida ay wararku tibaaxayaan.

Odayaasha ayaa habeenkii afaraad xalay ku hoyday Xabsi ay Al-Shabaab maamusho oo ku yaala degaano ka tirsan goboladda Dhexe, mana jiro war rasmi ah oo ay Al-Shabaab arrintaasi kasoo saartay.

Hasa yeeshee, waxaa hanjabaad culus hawada u mariyay Al-Shabaab, Wasiir Ku xigeenka Amniga ee maamulka Galmudug Mahad Xasan Maxamuud, kaasoo arrintaan si kulul uga hadlay.

Wasiir Maxamuud ayaa shaaca ka qaaday inay bilaabayaan Olale xoogan, kaasoo ka dhan ah afduubka Al-Shabaab ee Odayaasha, isagoo tilmaamay inay sida ugu dhaqsiyaha badan uga soo furan doonan.

"Jawaab cad ayaan ka bixin doonaa talaabadda ay qaadan kooxda cadowga ku ah nabada, horumarka iyo shacabka. Galmudug waxay diyaarisay duulaan ka dhan ah Kooxdan," ayuu yiri Wasiir kuxigeenka.

Inta badan Al-Shabaab ayaa degaanada ku hoos-jira maamulkeeda ka fulisa dilal iyo xukunno kale, kuwaasoo hay'adaha xuquuqda aadanaha ay si kulul u cambaareeyeen.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Baarlamaanka Soomaaliya oo doodii ugu dambeysay ka yeeshay Dastuurka

Ajanadaha kulanka maanta ayaa ahaa dib-u-eegista dastuurka marxalada 3-aad.

  • Soomaliya

    28-03-2024

  • 11:23AM

Ururo ka dhisan Marooko oo ku baaqay in la sii daayo muwaadiniin ay Puntland dil ku xukuntay

6-qof oo u dhashay dalka Marooko ayaa laga soo qabtay deegaanada ay ku sugan yihiin Daacish.

  • Soomaliya

    28-03-2024

  • 07:28AM