Al-Shabaab oo kordhisay weerarada xili KG ay doorasho galayso [Warbixin]

Image

BAYDHABO, Soomaaliya - Dagaalamayaasha Al-Shabaab ayaa kordhiyay weeraradda ay ka fuliyeen degaanadda Koonfur Galbeed, kuwaasi oo ay ku beegsanayaan qaarkood fariisimaha ay ciidamadda xooga ku leeyihiin goboladda hoos-yimaada maamul goboleedkan.

Weeraradii ugu dambeeyay waxay maanta oo Khamiis ah ay ka kala dhaceen duleedka degmada Afgooye, ee gobolka Shabeellaha Hoose iyo Saldhig ay ciidamada dowlada ku leeyihiin degaanka Daynuunay oo dhaca duleedka magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay.

Labadda duulaan oo ay Al-Shabaab ka hadashay waxay sheegtay inay khasaaro ku gaarsiisay Askarta dowladda, inkasta oo aysan cayimin tiradda saxda ah, inkasta oo saraakiisha milatariga Soomaaliya oo ka hadlay ay guulo ay ka sheegteen.

Weerarkii ay Shabaab kusoo qaaday Saldhiga tuuladda Daynuunay waxay sheegteen taliska ciidanka xooga inay ku naf-gooyeen saddex kamid ah xoogaga xiriirka la leh Al-Qaacida, halka tirro intaas ka badan oo gaarsiisan Shan ay ku dhaawacmeen.

Waa markii labaad oo todobaadkan gudihiisa oo ay Al-Shabaab ku duusho Saldhiga Daynuunay, xili ay ahayd horaantii usbuucaan markii xili saq dhexe ay weerar kii maanta lamid ah ay ku beegsatay, kaasi oo aanan la hubin tirada khasaaraha ka dhashay.

Falka amniga khal-khalka gelinaya oo ay Al-Shabaab ka fulineyso degaanada Koonfur Galbeed waxaa qayb ka ah Qaraxyo ay ku beegsadeen labo goobood oo shacab ay ku sugnaayeen usbuucaan, kaasi oo ay ku dhintaan ku dhawaad 20 ruux, wadar ahaan.

Dhacdooyinkaan ayaa soo kordhaya xili dowlad goboleedkaan uu isku diyaarinayo doorasho uu galo, taasi oo lagu soo xulanayo hogaamiyaha xigga ee maamulkaan majaraha uqaban lahaa xili ku baratamayaan murashaxiin kala duwan.

Xubnaha isku soo taagtay waxaa kamid ah; Mukhtaar Roobow, oo masuuliyiinta Al-Shabaab kamid ahaa, Xuseen Cusmaan, taliyihii hore ee NISA, oo aanan wali shaacin murashaxnimadiisa iyo madaxwaynaha waqtgu ka dhamaadey ee Shariif Xasan.

- Arrimaha ku xeeran doorashadda -

Amniga waa mawduuca ugu horeeya ee uu murashax walba soo qaadanayo marka uu la hadlayo taageerayaashiisa, xili ay intaas dheer tahay dagaalka ka dhanka ah xoogaga Al-Shabaab, musuq-maasuq iyo siyaasad loo dhan yahay.

Guddiga doorashooyinka oo ka shaqayn lahaa qaban-qaabadda doorashada iyo inay udhacdo si cadaalad ah oo aanan wali la shaacin, inkasta oo Gudoomiyaha Baarlamaanka Koonfur Galbeed uu iclaamiyay inuu soo magacaabayo marka ay doorashadu soo dhawaato.

Doorashada madaxwaynaha Koonfur Galbeed oo ay garab-socoto mida Baarlamaanka ayaa sanadkaan ka xamaasad badan sidii hore, xili Villa Soomaaliya la rumeysan yahay inay ku mashquulsan tahay sidii uu ugus oo bixi lahaa siyaasi ku feker ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo caddeeyay mowqifkiisa hagaajinta xiriirka Puntland

Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa faafisay qoraal kasoo baxay madaxweynaha dowladda federaalka.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 03:37AM

Shirka Maalgashiga Soomaaliya oo ka bilowday magaalada Muqdisho

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa furay shirkan oo socon doono labada maalin soo socota.

  • Soomaliya

    24-04-2024

  • 12:41PM