Al-Shabaab oo Magac u bixisay weerarkii Nairobi iyo Kooxda fulisay

Image

MUQDISHO, Somalia - Kooxda Al-Shabaab ayaa si rasmi ah u shaacisay sababta ay u weerartay Hoteel-ka DusitD2  ee ku yaalla magaalada Nairobi Talaadadii lasoo dhaafay iyo raggii fuliyay garabka ay ka tirsanaayeen.

Dabley gaaraysay 5, oo mid kamid ah uu isku qarxiyay banaanka dhismaha saacadihii ugu horeeyay, ayaa fuliyay weerarka, waxaana in laga taqaluso ay ku qaadatay ciidamada Kenya ku dhowaad 20 saacadood.

Qoraal ay soo saartay xoogaga xiriirka la leh Al-Qaacida ayaa lagu sheegay in ujeedada ka dambeysay duulaanka ay tahay jawaab ku wajahan siyaasada aqoonsiga Madaxwaynaha Mareykanka ee caasimada Qudus.

Donald Trump ayaa magaaladaan barakeysan u aqoonsaday caasimada maamulka Yahuuda bishii December 2017-kii, taasi oo dhalisay carro badan oo dunida Islaamka, oo ka digay fal-celi daran oo ka dhalata.

Shabaab ayaa ugu magac-dartay weerarka ay ku beegsatay xarunta ganacsi, kaasi oo ay leedahay shirkad ku taala dalka Thailand, 'Qudus marnaba kama Yahuudeyn doono', maadaama dhulka reer Falastiin ay Israel xoog ku haysato.

Sida laga soo xigtay sheegashada Al-Shabaab, in ka badan 50 ruux oo uu ku jiro Muwaadin Ameerikaan ah ayaa ku geeryootay, inkasta oo tiradaasi ay gaashaanka ku dhufatay xukuumada Nairobi.

"Howlgalka oo loogu magac daray 'Qudus marnaba kama Yahuudeyn doono' waxa uu jawaab u ahaa hadaladii nacasnimada ahaa ee Donald Trump ee isku dayga sharciga darada ah," ayaa lagu yiri Bayaanka.

Raggii fuliyay howlgalkan ayay Al Shabaab sheegtay inay katirsanaayeen guutadeeda Saalax Nabhaan, oo loogu magac-daray ninii Al-Qaacidda madaxda uga ahaa Somalia, oo Mareykanka uu ku dilay September 15, 2009, duleedka degmada Baraawe.

Al-Shabaab ayaa halis ku ahayd amni qaranka Kenya tan iyo markii ciidamadeeda ay soo galeen ciida Soomaaliya 2011-kii, iyaga oo qayb ka ah howlgalka nabad-ilaalinta AMISOM, iyaga oo geystay tacadiyo ka dhan ah shacabka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM