Al Shabaab oo markale weerartay Balcad iyo wararkii ugu dambeeyay

Image

BALCAD, Soomaaliya - Kooxda Al Shabaab ayaa markale maanta duhurkii weerar ku qaadey degmada Balcad ee gobolka Shabeellaha Dhexe, oo labo maalmood kahor ay mudo kooban kala wareegtay gacan ku heynteeda Ciidamada dowladda Soomaaliya.

Wariye madaxbanaan oo ku sugan degmada, ayaa Warsidaha Garowe Online u xaqiijiyay in Al Shabaab ay dhowr jiho kasoo weerartay degmada, kadibna uu qarxay dagaal xooggan oo fool-ka-fool ah oo ay la galeen Ciidanka halkaasi ku sugan.

Dagaalka ayaa waxaa barbar socda madaafiic culus oo lagu garaacayo xaafadaha degmada, kadib markii dagaalyahanada Al Shabaab la kulmeen iska-caabin markii ay isku dayeen inay gudaha usoo galaan degmada.

Wararka ayaa sheegaya in Ciidamo gurmad ah oo kasoo ruqaansaday duleedka Balcad ay ku biireen dagaalka, kaasi oo hakiyay dhaq-dhaqaaqii ganacsiga magaalada iyadoo dadka ay u kala carareen guryahooda si rasaasta uga gambadaan.

Al Shabaab ayaa maalintii Jimcaha ee lasoo dhaafay la wareegtay mudo saacado ah degmada Balcad oo qiyaastii 30KM dhanka waqooyi uga beegan magaalada Muqdisho, ee Caasimadda Soomaaliya.

Fahfaahinta dagaalka kala soco wararkeena dambe.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo caddeeyay mowqifkiisa hagaajinta xiriirka Puntland

Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa faafisay qoraal kasoo baxay madaxweynaha dowladda federaalka.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 03:37AM

Shirka Maalgashiga Soomaaliya oo ka bilowday magaalada Muqdisho

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa furay shirkan oo socon doono labada maalin soo socota.

  • Soomaliya

    24-04-2024

  • 12:41PM