Al shabaab oo weerar ku qaadey Balad Xaawo iyo Mandheera

Image

BALAD HAWO, Somalia - Dagaalyahano katirsan Al shabaab ayaa saaka weeraro culus ku qaadey magaalooyinka Balad Xaawo iyo Mandheera, oo ku yaalla xuduuda ay wadaagaan Somalia iyo Kenya.

Afhayeenka dhanka Howlgallada Al shabaab, Cabdicasiis Abu Muscab ayaa Reuters u sheegay in ay la wareegeen Balad Xaawo, kadib markii dagaalka ay uga adkaadeen Ciidamada DFS iyoo kuw Jubbaland.

Abu Muscab ayaa sheegay in Inta aysan la wareegin Balad Xaawo, ay qarax gaari kuu weerareen Saldhig Military oo Ciidamada Dowladda Federaalka Somalia ku leeyihiin Koontaroolka laga galo magaalada.

"Marka hore, Mujaahid ayaa Gaarigiisa ku qarxiyay Saldhiga Military, kadibna dagaalyahano kale ayaa weerar toos ah ku qaadey, oo u suurta gashay inay xaruntaasi la wareegaan," ayuu yiri Abu Muscab.

Al shabaab ayaa ku faantay inay weerarka ku dishay 24 Askari oo dowladda katirsan, inkastoo sarkaal katirsan Militariga Somalia uu ku sheegay khasaaraha 10 oo kaliya.

"Waxaan saaka huradada uga soo toosnay qarax gaari oo saldhigeena lagu soo weeraray, kaasi oo xigay dagaal toos,"ayuu yiri Maxamed Cabdullahi, oo kamid ah Taliyaasha Militariga oo la hadlay Reuters.

Wuxuu xusay in ugu yaraan 10 Askari ay ku dhinteen weerarka, isagoo intaasi ku daray inay iska caabiyeen islamarkaana ay ka dileen Al shabaab 7 dagaalyahan, oo kuwii weerarka soo qaadey ahaa.

Suleymaan Nuur, oo kamid ah Dadka Ganasatada Balad Xaawo ayaa tilmaamay in qaraxa gaari ee lagu weeraray saldhiga military uu ahaa mid xooggan, oo dhawaqiisa laga maqlayay guud ahaan magaalada.

Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in Al shabaab laga saarey Balad Xaawo, kadib markii ciidamada dowladda oo garab ka helayo kuwa Kenya ay weerar rogaal celis ah kusoo qaadeen, iyadoo dhanka hawada ka duqeeyeen Diyaaradaha dagaalka.

-Weerar ka dhacay Mandheera'

Dhanka kale, Al shabaab waxay weerar culus ku qaadey magaalada Mandheera, ee gobolka Waqooyi bari ee Kenya, kadib markii laga soo saarey magaalada Balad Xaawo.

Gudoomiyaha Mandheera, Fredrick Shisia ayaa xaqiijiyay in dagaal u dhaxeeya Al shabaab iyo Ciidamada Booliska Kenya uu ka dhacay magaalada, kaasi oo gaystay khasaarooyin isagu jira dhimasho iyo dhaawac.

Mandheera waa magaalo u nuqul weerarada, waxaana ku duushay Al Shabaab dhowr jeer, maadaama ay tahay magaalo ku dhaw Xadka Somalia, taasi oo ay ku sugan yihiin Ciidamada dowladda Kenya.

GAROWEONLINE

Related Articles

Ururo ka dhisan Marooko oo ku baaqay in la sii daayo muwaadiniin ay Puntland dil ku xukuntay

6-qof oo u dhashay dalka Marooko ayaa laga soo qabtay deegaanada ay ku sugan yihiin Daacish.

  • Soomaliya

    28-03-2024

  • 07:28AM

Shanta ajande uu Xasan Sheekh doonayo in baarlamaanka u ansixiyo

Labo kamid ah qodobadan ayaa la sheegay in madaxweynaha uusan gorgortan ka geli doonin.

  • Soomaliya

    28-03-2024

  • 06:43AM