Al-shabab oo ka baxay degmada Baraawe

Image

October 3, 2014 (GO)- Wararka laga helayo gobolka Shabellada Hoose ayaa sheegaya in Al-shabab  isaga baxeen degmada Baraawe.

Ka bixista Al-shabab ee Baraawe ayaa timid kadib markii ciidamada Dowlada Federaalka iyo kuwa AMISOM gaareen meel magaaladaas 20km u jirta.

Ciidamada isbahaysanayaa weli Baraawe gudaha uma gelin, waxaase la filayaa in saacadaha soo socda ay magaaladaas si buuxda ula wareegaan.

Shalay ciidamada huwantu waxay la wareegeen degmada Cadale oo gobolka Shabeellada Dhexe ka tirsan masaafo 60km ahna ka durugsan Baraawe.

Baraawe waa magaaladii u dambeysey ee kooxda Al-shabab awoodeeda oo dhan isugu geysey kadib markii laga xoreeyey magaalooyin muhiim ah oo Kismaayo iyo Beledweyne kamid yihiin.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo caddeeyay mowqifkiisa hagaajinta xiriirka Puntland

Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa faafisay qoraal kasoo baxay madaxweynaha dowladda federaalka.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 03:37AM

Shirka Maalgashiga Soomaaliya oo ka bilowday magaalada Muqdisho

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa furay shirkan oo socon doono labada maalin soo socota.

  • Soomaliya

    24-04-2024

  • 12:41PM