Amar kasoo baxay RW Somalia

Image

MUQDISHU, Somalia- Ra’isal wasaaraha dowladda Federaalka Somalia, Xasan Cali Khayre, ayaa soo saaray amar ku saabsan xaaladda garoonka diyaaradaha magaalada Muqdishu, kadib kulan uu la yeeshay sii haya xilka wasaaraddaas iyo laamaha amniga caasumadda dalka.

Kulankaas oo ku saabsanaa hormarinta Madaarka Aadan Cadde, ayaa wasiirka koowaad ee xukuumadda Somalia, wuxuu kasoo saaray amar ku aadan sidii loo ilaalin lahaa nabad-galyada iyo shuruucda garoonka inuu noqdo mid caalami ah.

Amarka Khayre ayaa lagu sheegay inuusan jiri doonin dhisme lag samayn doono nawaaxiga garoonka Aadan Cadde inta dowladdu ka samayn doonto baaritaano la xariira bad-qabka garoonka.

Mudane Khayre, ayaa intaas ku daray in la hakiyo dhismayaasha hadda socda, isagoo dhinaca kale faray wasaaradda Duulista Hawada iyo Garoomada Somalia inaysan bixin dhulka ku dhow garoonka ilaa amar dambe.

Tallaabada RW Khayre, kusoo aaday xilli dhismooyin kala duwan laga sameeyay daafaha Garoonka kadib markii dowladdu siisay.

GAROWEONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo Diblomaasiyiinta Ajnabiga gaarsiiyay Fariin ku saabsan qorshihiisa doorashadda

Wadahadalladan ayaa yimid xilli siyaasadda dalka ay aad u kacsan tahay, kadib kulan kale oo 5-tii Luulyo ka dhacay xerada Xalane ee Muqdisho.

  • Soomaliya

    08-07-2025

  • 05:37PM

Maxay ku heshiiyeen Xasan Sheekh iyo Al-Siisi?

Sidoo kale Madaxweyne Al-Sisi ayaa ku dhawaaqay in safaaradda Masar ee Muqdisho dib loo furi doono.

  • Soomaliya

    08-07-2025

  • 02:41PM