AMISOM oo Mowfiq cad ka qaadatey Khilaafka Gollaha Shacabka Soomaaliya

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Taliska Howlgalka Midowga Africa ee Soomaaliya [AMISOM] ayaa maanta soo saarey qoraal uu ku beeninayo wararka sheegaya inay la wareegeen amniga xarunta Baarlamaanka kadib fowdadii dhacday Arbacadii lasoo dhaafay.

Francisco Madeira, Wakiilka Midowga Africa u qaabilsan Soomaaliya, ahna Madaxa AMISOM ayaa sheegay inay faragelin ku sameeyeen khilaafka u dhaxeeya Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya.

Wuxuu sheegay Francisco Madeira in AMISOM aysan awood u lahayn inay farageliyaan arrimaha siyaasadda Soomaaliya, islamarkaana ay la wareegaan maamulka xarunya Gollaha Shacabka.

Madeira ayaa intaasi ku daray in AMISOM ay dhowrayso madaxbananida Soomaaliya islamarkaana ay ku kalsoon yihiin awooda hogaanka dalka ku xalinayo caqabadaha jira sida khilaafka Gollaha Shacabka.

Ergayga ayaa ku baaqay in wadahadal lagu dhameeyo xiisadda siyaasadeed ee taagan, taasi oo ka digay inay caqabd ku noqoto horumarada la gaarey sanadihii ugu dameeyay, gaar ahaan amniga iyo Siyaasadda.

“Waxaa ka codsanayaa xubnaha Baarlamaanka, iyo hogaamiyaasha dowladda ee matalaya shacabka inay muujiyaan dulqaad iyo isxamakeyn, islamarkaana qaab hoose u xaliyaan khilaafka u dhaxeeya,” ayuu yiri Francisco Madeira.

Francisco Madeira ayaa beeniyay hadal kasoo yaarey Taliyaha AMISOM, Paul Lokech oo sheegay in ay faragelinayaan khilaafka u dhaxeeya Baarlamaanka iyo Xukuumada Federaalka Soomaaliya.

Paul Lokech ayaa warkan ka sheegay Kulan Arbacadii kula qaatey Gudoomiyaha Gollaha Shacabka Maxamed Cismaan Jawaari iyo ku xigeenkiisa 2aad Mahad Cabdalla Cawad Villa Hargeysa.

Taliyaha ayaa hordhigay Jawaari iyo garabkiisa saddex qodob oo kala ahaa;

1 - In Baarlamaanka iyo Xukuumadda isku racaan in AMISOM la wareegto amaanka gudaha iyo dibadda xarunta Gollaha Shacabka si Xildhibaanada faragelin la’aan u qabsadaan kulamadooda.

2 - In la raadiyo meel dhex-dhexaad ah oo Xildhibaanada Baarlamaanka ku shiri karaan.

3 - Iyo in AMISOM ay faraha kala baxdo arrimaha Gollaha shacabka, oo madaxda dalka ay xalistaan Khilaafka u dhaxeeya labada dhinac.

Hadalka Paul Lokech ayaa la sheegay in dowladda Federaalka ay ka carootay, oo dacwad uu gudbisay Midowga Africa, taasi oo keentay in lagu amro Francisco Madeira inuu War Saxaafadeed kasoo saaro.

Hoos ka Daawo Shirka Jaraa'id ee Francisco Madeira:

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya iyo Sweden oo gaarey is-afgarad dhanka Hantidhowrka ah

Heshiiska oo soconaya muddo 5 sano ah ayaa ujeedkiisu yahay wada shaqaynta u dhaxayneysa labada Xafiis.

  • Soomaliya

    08-05-2024

  • 04:35AM

Xamsa oo maalgashiga dalka ugu baaqay Ganacsatada Soomaaliyeed ee dagan Kenya

Ra’iisul Wasaaraha ayaa uga warbixiyey ganacsatada xaaladda siyaasadeed ee dalka, iyo fursaha jira.

  • Soomaliya

    08-05-2024

  • 04:20AM