Aqalka Sare oo shaaciyay xilliga uu furmayo Kalfadhigiisa 4aad

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Gollaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta oo Isniin ah go'aamiyey in Kal-fadhiga afaraad ee Gollaha uu furmo 10-ka bishaan October, 2018.

Senator Cabdi Kaafi Macalin Xasan, Habdhooraha Golaha Aqalka Sare oo warbaahinta kula hadlay Muqdisho ayaa tibaaxay qodobkaan ku jira Ajandayaasha kulan ay maanta yeesheen Guddiga joogtada ah ee Gollaha.

Handhoraha ayaa cod dheer ku qeexay in kulankooda sidoo kale arrimaha ay isla soo qaadeen uu qayb ka ahaa ahayd sidii xal loogu heli lahaa khilaafka siyaasadeed ee maamuladda dalka ka jira iyo dowladda dhexe.

Xasan ayaa hoosta ka xariiqay in guddoonka uu isla gorfeeyey sidoo kale warbixinadii ay soo gudbiyeen Guddiyadii dhowaan oo kala direy caasimada maamuladda, kuwaasi oo qoraalo kala duwan loosoo dhiibey.

Fadhiga afaraad ee Aqalka Sarre oo balanku ahaa inay isla furmaan midka Gollaha Shacabka ayaa dib udhac uu ku yimid xili sababta lagu sheegay amaanka xarunta iyo sababo kale oo farsamo.

Aqalka Sare oo ka kooban 54 mudane, ayaa ku matala dowladda dhexe maamuladda laga soo doortey, iyadoo mararka qaar dhex-dhexaadiya muran siyaasadeedyada soo kala dhex-gala labada dhinac, inkastoo aysan u awood badnayd sida Gollaha Shacabka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Baarlamaanka Soomaaliya oo doodii ugu dambeysay ka yeeshay Dastuurka

Ajanadaha kulanka maanta ayaa ahaa dib-u-eegista dastuurka marxalada 3-aad.

  • Soomaliya

    28-03-2024

  • 11:23AM

Ururo ka dhisan Marooko oo ku baaqay in la sii daayo muwaadiniin ay Puntland dil ku xukuntay

6-qof oo u dhashay dalka Marooko ayaa laga soo qabtay deegaanada ay ku sugan yihiin Daacish.

  • Soomaliya

    28-03-2024

  • 07:28AM