Arag Sawirrada sida Farmaajo loogu soo dhaweeyay Asmara, Eritrea

Image
Image
Image

ASMARA, Eritrea - Madaxwaynaha dalka Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Maxamed [Farmaajo] iyo wafdigiisa ayaa gaarey magaaladda Asmara ee caasimada Eritrea, fiidnimadda caawa oo Arbaco ah, halkaasi oo si wayn loogu soo dhaweeyay.

Madaxwayne Isaias Afwerki, Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed iyo xubno kale oo labadda dowladood ka socday ayaa wafdiga Farmaajo kusoo dhaweeyay Madaarka caalamiga ah ee Asmara, kadibna waxaa loo galbiyay Madaxtooyadda dalkaasi.

Saddex hogaamiye ayaa lagu wadaa inay yeeshaan shir saddex geesood ah, kaasoo ku qotomo xoojinta cilaaqaadka dhinacyaddan, iyo sidii loo dar-dar gelin lahaa heshiisyo ay dhowaan wada galeen.

Kulanka masuuliyiintaan oo haatanba socda ayaa waxaa la filayaa in marka uu soo idlaado ay warbaahinta si wadajir ah ula hadlaan, iyaga oo diiradda saaraya waxa kasoo baxa iyo ujeedka kulankooda.

Waa markii labaad oo Madaxwayne Farmaajo iyo Ra'iisul Wasaare Abiy Axmed ay booqasho ku tagaan dalka Eritrea, maadaama ay ahayd markoodii koowaad bishii July ee sanadkaan 2018.

WAR-SAXAAFADEED KASOO BAXAY VILLA SOMALIA:

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa hor-kacaya dadaallo lagu xoojinayo qodobbadii ka soo baxay Madasha Iskaashiga Shiinaha iyo Afrika, isaga oo ka shaqaynaya heshiis u dhexeeya dalalka Geeska Afrika oo ku saabsan isdhexgalka dhaqaale.

Madaxweyne Farmaajo, Raysalwasaaraha Itoobiya Abiy Axmed iyo Madaxweynaha Ereteriya Isaias Afwerki ayaa la qorsheeyey in ay ku kulmaan magaalada Asmara, 6-da iyo 7-da bisha Sebteembar 2018, si ay uga wada xaajoodaan adkaynta xasilloonida amni iyo dhaqaale ee gobolka ee Geeska Afrika.

Hoggaamiyeyaasha ayaa sidoo kale ka wada hadli doona, qaabkii lagu soo afjari lahaa dhammaan khilaafyada siyaasadeed iyo bulsho ee u dhexeeya dalalka Geeska si loo helo waddamo daris ah oo is-oggol, si nabad ahna u wada nool.

Soomaaliya ayaa doonaysa inay kaalin weyn ka qaadato isdhexgalka dhaqaale iyo bulsho ee Geeska Afrika, si loo dardargeliyo ganacsiga iyo maalgashiga, loona kobciyo isku xirnaanta bulshada iyo dhaqaalaha Geeska.

Soomaaliya waxa ay Beijing ku saxiixday Hindisaha Kaabayaasha Dhaqaalaha (Belt and Road Initiative) oo fududeenaya isku xirnaanta iyo horumarka dhaqaale ee waddamada qaybta ka ah.

Himilada Soomaaliya ee ah in ay hormuud u noqoto qorshaha lagu abuurayo isbahaysi ganacsi oo dhexmara waddamada Geeska ayaa horseedaya xasillooni iyo horumar dhaqaale oo ka dhaca waddamada Geeska Afrika.

Madasha Iskaashiga Shiinaha iyo Afrika ayaa 4tii Sebtembar lagu soo gabagabeeyay magaalada Beijing, waxaana dowladda Shiinaha ay ku bixineysaa 3da sano ee soo socoto 60 bilyan oo Doollar oo isugu jirta lacago lagu hormarinayo kaabeyaasha dhaqaalaha ee Qaaradda, deeqo iyo daymo, waxaana lagama maarmaan ah in dalalka Gobolka ay u diyaar garoobaan ka faa’iideysiga mashaariicda Shiinaha.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Koonfur Galbeed iyo Galmudug oo beeniyay qoraal lala xiriiriyey

Beenintan ayaa imaanaysa xilli hogaamiyeyaasha labadan maamul ay joogaan Muqdisho.

  • Soomaliya

    23-04-2024

  • 05:13AM

Qaramada Midoobay oo xaqiijisay war dhowaan uu baahiyay Garowe Online

Waxuu isbedelkan imaanayaa xili khilaaf siyaasadeed uu ka jiro Soomaaliya, oo ka dhashay wax ka bedelka dastuurka.

  • Soomaliya

    22-04-2024

  • 05:25PM